Deg Deg Dagaalkii Buufow Bcaad oo lagu kala baxay iyo Xabada oo kusii siqeysa Deegaanka Shalambood.

Waxaa soo gabagaboobay Dagaalkii Buufow Bacaad ee u dhaxeeyey Ciidamada Deegaanka iyo Maleeshiyada Xasan Jaamici.

Saarkiish Ciidamad Deegaanka oo horay ugu hanjabay inay soo afjaro doonaan dagaalada ayaa hada waxa lasoo sheegayaa in Maleeshiyadii Gambaleel iuo Xasan jaamici ay saake soo qaldeen markii Seddadaxaad ay ku jabeen weerarkii ay soo qaadeen.

Ciidamada deegaanka oo baacsanaya Maleeshiyadan ayaa hada gaaray Deegaanka Gandaawi ee Duleedka Shalambood.

Maleeshiyada Saake ku hungowday qabsashada Buufow bacaad ayaa si baqdin leh ku jooga Shalambood, iyagoona kasii nayada jabaya inay difaacdaan Gandaawi iyo Shalambood.

Difaacii weyaan ee ay faarujiyeen Ciidamada Amisom ilaaa wadadaa aada Janaale ayaa hada waxa si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Deegaanka.

Waxaa suuragal in markasta ay xabada ka bilaabato Shalambood oo ah lafdhabarta Maleeshiydan dhibaatada ku hays deegaanka.

Ilaa iminka lama soo sheegin wax khasaara ah oo soo gaaray Ciidamadii saake xureeyey Deegaanka Buufow bacaad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE