Nabadoon Fanax oo soo gabagabeeyey Safar uu ku joogaya Nambar 50 kulamana lasoo qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Nabadoon Maxamed Cumar C/hi Fanax oo ka mid ah Nabadoonada Beesha Biimaal ayaa soo gabagabeeyey kulamo iyo safaro uu ku joogay Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Nabadoon Fanax ayaa in ka badan 5 Maalmood waxa ku sugnaa Nambar 50 iaal Ceel wareegow isagoona sidoo kale booqday deegaano hoostaga Degmaasi.

Waxa uu sheegay in kulamo kala duwan oo looga hadlayey hormarinta adeegayada bulshada iyo sidii bulshada ay isaga kaashanlahayd ladagaalanka Maleeshiyaadka dhibaateynaya deegaanka.

kulan ka dhacay Deegaanka Muuri ayaa Nabadoon Maxamee Cumar C/hi Fanax waxa uu kula kulmay Odayaal iyo ganacsato deegaanka ah oo ku booriyey inay ku dadaalaan soo celinta deegaanada weli ku jira gacanta Habar gidir.

Nabadoon Fanax oo ka mid ahaa Nabadoonadii ugu cad cadaa ee shirarka heshiis ku sheega Muqdisho uga qaybgali jirey ayaa hada lasoo baxay door ka duwan kii uu ku joogay Muqdisho waxaana maalmihii ugu dambeeyey uu waday olole ku aadan sidii loola dagaalami lahaa Maleeshiyada Habar gidir loona diidi lahaa go’aanada ay mar kasta lasoo shirtagayaan Odayaasha ismagacaabay ee Muqdisho ku sugan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran