Maxaad kala socotaa Xaaladaha Buufow Bacaad iyo Janaale ee Xilli Maalintii labaad ay haawanayaan.

Deegaanka Buufow ayaa Galabnimadii khamiista waxa isaga baxay Ciidamada Amsiom oo baneeyey Fariisin ay halkaai ku lahaayeen labadiisano ee lasoo dhaafay.

Markii Amisom ay isaga baxday Buufow Bacaad ayaa waxa lasoo dhoobaya Maleeshiyaad ka tirsana Kooxda Xasan jiimici taas oo loogu talagalay inay sii haysato deegaanak si looga baaqsado in uu gacanta u galo Ciidamada Deegaanka, marba hadii ay soo hamiyaan shabaab aynaan jirin cid ka horistaagi karta.

Warar ayaa sheegaya in Galabnimadii shalay Maleeshiyadii boos reebka loo keenay ay isaga baxeen oo nafsadooda ay la carareexita ay meesha baneeyeen Haween meesha Maqaayado ku lahaa oo quud xaaraanta ku deeqi jirey Mooryaanta.

Warkaasi war lamid ah ayaa ka imaanaya Degmada Janaale ee GObolka Shabeelada hoose.

Maalintii labaada ayaa Janaale waxa ay tahay mid haawaneysa oo aynaan jirin Cid si rasmi ah u sheegan karta gacan ky heyteeda, waxa jiray Maleeshiyaad ku sugnaa Buslay Da’uud oo doonayey in iyaga ay meesha taabsadaan hase ahaatee baqdin darted ugu soo laaban waayey Busley janaalna ka samray.

Inkastoo dadaalada ay sameynayaan Saraakiisha Ciidamada Deegaanka uu yahay in la badbaadiyo Maatida deegaanka ayaa hadana waxaan la ogeyn go’aanka ay qaadan doonaan deegaanada hada haawanaya.

Waxaa saacad kasta la filan karaa in deegaanadaas ay gacanta u galaan Xarakada Shabaab ama Cidamada Deegaanka midkood.

Wixii kusoo kordha waan idin soo gudbin doonnaa insha allah

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran