Odayaasha ismagacaay ee Muqdisho iyo Wasiirada Deegaanka oo Sharci u raadinaya Kaaba Mooryaanta Soo duushay (Xog).

Iyadoo laga amba qaadayo Shir qarsoodi ahaa oo ka dhacay Degmada Marka berigii ay ku sugnaayeen Wasiirada Koonfur galbeed kaas oo ay wada qaateen Wasiiro uu hugaaminayey Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha iyo Kaaba Mooryaan Cali Cilmi.

Shirka ayaa ka dhacay guriga Marka uu ka degenaa Fiqi xilli Gabal dhicii ah iyadoo lagu gorfeenayey Sida ugu macquulsan ee looga wada hadli karo danaha Kooxda dhul boob ay ka leedahay Sahbeelada hoose.

Cali Cilmi ayaa waxa uu wasiirada hordhigay in la sharciyeeyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga ee Gobolka Shabeelada hoose oo uu taabsaday Kaaba Mooryaan Cali Nuure.

Wasiirada ayaa codsaday in la siiyo Maalmo si ay go’aan uga gaaraan arimaha loo soo jeediyey, tashana ay ula soo sameeyaan Odayaasha ismagacaabay ee Muqdisho ku sugnaa.

War aan helnaya ayaa sheegaya Magacaabida Kaaba Mooryaan Cali Nuure in lagu magacaabay warqad ay gudbiyeen Wasiirada iyo Odayaashooda, taas oo lagu sheegay in Caali Nuure uu yahay Shakhsi ka bixi kara howlaha loo wakiisho weliba uu yahay Mas’uul deegaanka uu u baahanyahay iyadoo la fiirinayo danaha Maleeshiyadooda iyo mida Wasiirada.

Sidoo kale waxa jira Siyaasado kale oo uu kala hadlay Cali Cilmi oo dhaqaalihii Swiss Kalmo u leexiyey hurinta colaada iyo ku qancinta waxmagaratada deegaanka sheeganaysa ayaa kala hadlay sida ugu haboon ee Saraakiishooda horkacaeysay dhibaatada Shabeelada hoose jagooyin looga siin karo Maamulada kala duwan ee heer Gobol iyo Heer Degmo.

Sida Muuqata Balan qaadka dhex maray Wasiirada iyo Odayaashooda oo isku dhinac ah iyo Kaaba Mooryaan Cali Cilmi ayaa ku socda meel halis ah oo dadka deegaanka ay ka digayaan dhibaatada uga imaan karta.

Odayaasha ismagacaabay oo horey u samestay Wasiiro aan waxba ogolaan waxna diidin ayaa ku taamaya hadafkoodi ay deegaanka ka lahaayeen maadaama si afduub ahaan ay u joojiyeen halgankii loogu jirey soo celinta deegaanka.

Kaaba Mooryaan Cali Cilmi ayaa meel uu ku qaxweeyo ka dihgatya Hotel Wrdheer oo ay degenyihiin Wasiirada Koonfur Galbeed ee Deegaanka taas oo micnaheeda uu yahay isfahamka buuxa ee dhex maray isaga iyo Wasiirada oo xilkooda kusoo koobaya sharciyeynta Deegaanka.

Filo Goordhow warbixino kale oo la xiriiro Heshiiska Kaaba Mooryaanta iyo Dalaaliintad Deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran