Xarakada Shabaab oo la Wareegay Degmadii Seddaxaad ee ay Isaga baxaanCiidamada Amisom.

Wararka ka imaanaya Degmada Wanla weyn ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in Degmadaas ay gacanta u gashay Ciidamada Xarakada Shabaab.

Alshabaab oo dhowr jiho ka galay Degmada ayaa la wareegay xarumaha Maamulka iyo Saldhiga Ciidanka halkaas oo isaga baxeen Ciidamadii Dowlada.

Xalay Fiidkii ayaa Ciidamada Dowlada u kala ruqaansadeen laba jiho oo kala ah qaar ka mid ah Ciidmada ayaa aaday wadad aada dhanka Garoonka Beled doogle oo fariisin Ciidan u ah Amisom halka qaarka kalana ay u jiheysteen wadada aada Degmada Afgooye.

Hadii shabaa ay si buuxda ula wareegto Maamulka Degmada Wanlaweyn ayaa ka dhigan deegaano kala duwan o muhiimado u lahaa Amisom iyo Dowlada ay waayeen taasi bedelkeedna shabaab ay soo ceshteen deegaanadaas oo horey loogala wareegay.

Wanla weyn ayaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho u jirat 90 KM iyadoona ku taala Wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Baydhaba.

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa kordhiyey Mudooyinkan weerarad ay ku hayaan Amisom iyo Dowlada taas u suuragelisay in degmooyin iyo Deegaano ku yaal shabeelada hoose ay la wareegaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran