Arday Somali Ah Oo Ku Eedeysanaa Ku Biirida Dacish Oo La Sii Daayay Dalka Sudan

Dowladda Sudan ayaa baaritaano kadib iska sii daysay Saddex Arday oo ka tirsanaa Ardayda dhigata Jaamacadda Cilmiga Daawaynta iyo Teknoolaajiyadda ee dalka Sudan, kuwaasi oo bishii Maarso ee la soo dhaafay u ambabaxay dalka Turkiga, si ay ugu sii biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Syria.
Wargeyska Alsuudaani ee ka soo baxa caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa qoray in Ardaydaasi uu ka mid yahay muwaadin Somalia haysta dhalashadda dalka Britain, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Ilyaas.
Ciiddanka Ammaanka ee dalka Sudan ayaa qabtay saddexdaasi arday oo wada haysta dhalashadda dalka Britain, kadib, markii ay Talaadadii hore laga keenay dalka Turkiga, laguna soo celiyey magaalladda Khartoum
Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Sudan ayaa la sheegay inay Ardaydaasi baaritaano ku sameeyeen, waxaana saddexda arday la sii wada daayey maalintii Arbacadda ee isla isbuucii hore.
Ardayda la sii daayey oo magacyadooda lagu soo kala koobay Ilyaas, Axmed iyo Zubaydah ayaa waxay dhamaantooda haystaan dhalashadda dalka Britain.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE