Baarlamaanka Fedaraalka oo Codka Kalsoonida u qaadaya Gudiyada Xuduudaha iyo Kan doorashooyinka.

Kulan hada Muqdisho uga socada Xillibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu wada inay ku meel mariyaan oo ay u caodeeyaan Gudiyada Madaxa Banaan ee  Xuduudaha iyo Kan Doorashooyinka qaranka.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa horay isugu afgartay in codeynta Guddiyadan madaxa banaan ay noqoto mid qarsoodi ah, isla markaana mid mid loogu codeeyo xubnaha Guddiyada Xuduudaha iyo doorashooyinka ka mid ah

Wararka aanu ka heleyno Xarunta Golaha shacabka ayaa sheegaya in la keenay labo sanduuq oo ay Xildhibaanada codkooda ku ridayaan, waxaana qaabkan codeyntan ay ka duwan tahay kuwii hore oo ay Xildhibaanada ay cod gacan taag ah ugu codeyn jireen.

Waxaan soo gudbin doonaa natiijada kasoo baxda Codeynta Xillibaanda Baarlamaanka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran