Dhaq dhaqaa Ciidan oo ka jira Gobolada Gedo iyo Bay.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaq Ciidan oo aad u xoogan uu ka jiro Gobolka Gedo.

Ciidamo Itobiyan ah oo wada dabaabaad Dagaal oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunnada Koonfurta ayaa kasoo gudbay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itobiya.

Dhaq dhaqaaqa Ciidan ayaa ku wajahan Degmooyinka Baardheere, Ufurow iyo Diin Soor o ka kala tirsan Gobalada Bay iyo Gedo oo ay Maamulaana Xarakada Shabaab.

Wararka ayaa tilmaamaya in Ciidamo ku diyaarsan Degmooyin Ceelwaaq iyo Garbahaarey ay noqon doonaan kuwo ka qayb qaata gulufka dagaal ee lagu doonayo in lagu qabsado degmooyi ay maamulaan Dagaalyahaanada Shabaab.

Dhaqdhaqaaqan Ciidan ayaa imaanaya Xilli Shabaabku ay si weyn u kordjiyeen Weerarada ay ku qaadayaan fariisimayaasha ay ku suganyihiin Amisom, waxaana jira fariisimiyaal ay baneenayaan Amisom oo ay dib ula wareegayaan Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE