Maxaad kala socotaa raashiin gargaar ah oo loogu talagaly in lagaarsiiyo dadka deeganka oo Muqdisho lagu leexsaday.

Waxaa maalintii shalay lagu dhacay Magaalada Muqdisho deeq raashiin ah oo loogu talo galay 1200 qoys oo Biimaal ah.

Deeqdaan oo ay dowladda Cumaan bixiso Sanad walba Bisha Ramadaan, waxaa loogu talo galay in la siiyo dadka taagta daran ee aan heli Karin wax ay ku afuraan.

Raashiinkaan oo qoyskiiba loo qoondeeyay in uu helo 25Kg Bariis , 25Kg Bur, 25Kg Sonkor, 10Kg Basto, 2Kg Timir 10Lr Saliid iyo 1 Kg Caleen, ayaa waxaa laga raray bakhaar ku yaal Degmada H/wadaag meel ku dhow Waddada Makkah Al Mukarama iyadoo lala aaday Suuqa Bakaaraha halkaasoo lasoo caddeeyay in la iibiyay oo lacag lagu beddeshay.

Deeqdaan mid la mid ah oo la siiyay 12 Koofi ee Marka degta oo ku rarneyd 2 Baabuur, waxay gaarsiiyeen magaalada Marka iyadoo si habsami lehna loogu qeybiyay dadkii mudnaa ee beeshooda.

Sidaas si la mid ah beelaha loo qeybiyay waxay u qaadanayeen si aan muran iyo qayaano ku jirin Hase yeeshee, beesha kali ah ee deeqdii la siiyo aysan gaarin dadkeeda ayaa waxay noqotay beesha Biimaal.

Dhacaan ayaa waxaa ka dambeeyay nin lagu sheegay in uu yahay Hogaanka Dhaqanka iyo Siyaasada Beesha Biimaal, sidaas waxaa xaqiijiyay Bakhaarhayahii u raray ninkaas oo la yiraahdo Sugullekaasoo ku dooday in amarka uu uga yimid qandaraaslaha uu u shaqeeyo ee la yiraahdo Ismacil Gooni.

Ma ahan markii ugu horeysay ee deeqaha dadka danyarta loogu tala galay waddada ay u fadhiistaan kuwo isku sheega hoggamiya dhaqameed iyo qowleysato iyadana wax la wadda oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Mar talefoon lagu weydiiyay Ismaciil Gooni cidda ku amartay, wuxuu sheegay in ay u yimaadeen Wasiir ka tirsan Koofur Galbeed iyo Mid ka mid ah Odyaasha iscaleema saaray oo wata warqad ay soo siisay Wasaaradda Arimaha Gudaha anagana warqadaas ayaan raaceynaa ayuu warkiisa ku gaabsaday.

Waxaa maalintii shalay la arkaayay iyadoo ay wada socdaan Wasiir ka tirsan Kufur Galbeed iyo Odayaash iscaleema saaray oo arrimahaan ku mashquulsanaa,

waxayse dadkii daba socday u heysteen in ay gaarsiin doonaan ugu yaraan barakacayaasha Biimaal.

Waxaa illa hadda aan la heyn cid ka dhicisa dhiig cabayaashaan caadeystay boobka iyo dhaca shacabka tabaaleysan ee dagaalada iyo macluusha isugu kulantay inkastoo Xisaabtii Alle ay sugeyso oo aysan ka fakan doonin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE