Puntland oo Mowqif cad isag taagtay Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland ee Maxamed Xasan Soocade oo la hadlay BBCda ayaa sheegay in wada hadal Dowladooda aysan la galayn Maamulka Cadaado.

Soocade ayaa tilmaamay in aysan aqoonsaneen Maamulka uu madaxweynaha u yahay C/kariin Xuseen Guuleed ilaa laga laabanyo sheegashada dhulka puntland.

Waxa uu intaasi raaciyey in Puntland ay tahay Dowlada sidaa darteedana ay la hadlayaan oo kaliya Dowlad kale “Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu la hadli karaa kaliyah gudoomiyeyaasha deegaanada Mudug” ayuu hadalkiis ku daray Soocade.

Maamulka C/weli Maxamed Cali gaas ayaa si weyn waxa uu kaga soo horjeedaa Maamulka Cadaado lagu dhisay oo uu u arko mid Qatar ku ah Puntland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE