Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa geystay khasaare kala duwan.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydho ayaa sheegaya in goordhow uu halkaasi ka dhacay qarax bam oo geystay khasooyiin kala duwan.

Bamka ayaa lasheegayaa in uu tuuray askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada kaas oo bamka ku tuuray meel ay ku wada sugaanyeen dad shacab aj .

Inta la ogyahay qaraxa waxa ku geeriyooday ilaa 4 qof halka ay ku dhaawcmeen dad gaaraya 11 qof.

lama oga sababta ka dambeysa qaraxa Bambaano oo uu askariga ku tuurey goob ay ku badnaayeen dad shacab ah.

Qaraxa ka dib waxa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowlada oo halkaasi ka kaxeeyey askariga qaraxa tuurey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran