Xog:Nabadoon Fanax oo isku dhiibay kaabamooriyaanta Sh.Hoose iyo kulan asiga iyo Cabdul ku dhex maray Hotel Naasa Hablood

Waxa uu ka mid yahay nabadoonada Sh.Hoose, waxa uu horay uga mid ahaa ergadii mataleysay reer Sh.Hoose ee ka qeyb gashay kulamo ay soo qaban qaabisay dowladda Muqdisho oo lagu sheegay in lagu heshiisiinayo Habargidir iyo Biimal laakiin waxa uu mar walba isu muujinayay shakhsi qadiyad leh, oo aan laga yaabin uu maalin maalmaha ka mid ah qadiyada dadkiisa gato.

Waa nabadoon Maxamed Cumar Fanax, waa shakhsi ku magacaaban nabadoon oo ah magac huwan u adeege bulsho, waa magac la siiyo shakhsi mabaa’i leh oo danaha dadkiisa ama bulshadiisa ka hormariya dantiisa shakhsi ah laakiin waxa uu ku dhacay imtixaankii ugu fududaa ee la soo hor dhigay,waxa uuna isku dhiibay kuwo ay gacmahooda ka da’ayaan dhiiga dadka Sh.Hoose.

Waa la soo hoobanayaa

Waxaa jirtay cambaareyn xoog leh oo ay dadka Sh.Hoose u jeedinayeen maamulka K.Galbeed iyo odayaasha Beesha Biimaal ee ogoladay in Maamulka degmada laga qeyb geliyo kaabamooriyaanta dilka, barakaca iyo guryo-gubista ka geystay Sh.Hoose.

Cambaareyntan ayaa ahayd mid ay ka siman yihin dadka Sh.Hoose ee ku sugan gudaha iyo dibadda laakiin nabadoon Fanax waxa uu ahaa nabadoonka kaliya ee codkiisa kor u qaaday, isla markaana warbaahinta si cad uga sheegay in aan marna la aqbali karin maamulka ku dhisan rabitaanka kaaba-mooriyaanta Sh.Hoose.

Iyadoo uu sidaas ahaa ayaa shabakadda Markacadey waxa ay ka warheshay in nabadoon Fanax uusan waxba ka gedisneyn Odayaasha iscaleema saaray ee Muqdisho ku sugan ee ka baayacmushtara qadiyada dadka Sh.Hoose, isagana uu yahay qof ka tirsan kooxdaas oo danihiisa ka dhex arki waayay, oo doonaya in carada dadka Sh.Hoose uu dano shaqsi ah ku gaaro.

Dabagal aan sameynay ayaa waxa aan ku ogaanay in Kaabamooriyaanta Habargidir ay wal wal badan ka qaadeen markii hore hadalada uu warbaahinta ka sheegayo Nabadoon Fanax,ayna su’aalo badan ka soo weydiiyeen Ibrahim Cali Xaaji iyo kooxdiisa laakiin ay ugu laab qaboojiyeen in dhibaato badan aysan kaga imaaneyn dhinaca Nabadoon Fanax, iyagana ay mar dhow fadhigooda ugu keeni doonaan.

Cabdow Badoole iyo rag kale oo la socda ayaa usbuucan dhamaaday gudahiisa ka soo kaxeeyay Nabadoon Fanax goob lagu balamay, wuxuuna ku qanciyay-waa Badooliye-Nabadoonka in wixii uu tabanayo uu ka horsheego Nabadoon Cabdul- waa sida Cabdow Badooliye iyo kooxdiisa u taqaanane, waxaana la keenay Hotel Naasa Habblood ee magaalada Muqdisho.

Waxaa halkaas ku sugayay Cabdul oo ay dhinacyada ka fadhiyaan Ibraahim Cali Xaaji iyo rag kale oo aan ka gaabsanay inaan hadda magacyadooda faafino.

Cabdul lama yaabanayn imaanshaha Nabadoon Fanax waayo horay ayaa warar tusinaya in talaabadaas oo kale uu qaadi karo looga soo gudbiyay, horay ayuuna u soo arkay kuwo qadiyad sheegan jiray oo sidaan oo kale isu soo dhiibay laakiin marka uu arkay sida loo soo hoobanayo ayaa waxa uu salaan kadib ku yiri: soo dhawaaw Nabadoone, horay ayaan u ogeyn in wax yar oo qurbajoog ah kaliya ay dagaalka nagula jiraan oo aad noo neceb yihiin.

Nabadoon Fanax oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo danihiisa si uu u saxiixo isagoo ka mas’uul ah dadkiisa maamulka Cabdul garwadeenka ka yahay ee loo dhisay Marka, ayaa ku soo koobay dalabkiisa in laba shakhsi oo uu isaga wato laba jago oo uu sheegtay maamulka degmada Marka laga siiyo, Cabdul-na waxa uu ku jawaabay in isaga kaliya uusan go’aan ka gaari karin oo uu jaalayaashiisa la soo tashan doono.

Maanta waxaa la marayaa heer rag nabadoono sheeganaya ay sida loo dhisayo maamulka degmada Marka ay uga gadaal galaan Cabdul iyo Kaabamooriyaan la mid ah ee ku naaxay dhiiga dadka Sh.Hoose.

Qadiyada Sh.Hoose uma joogsaneyso Shakhsi iyo labo

Cabdow Badooliye wuxuu iska dhiibay xafiiska Cali Cilmi, nabadoon Fanax-na golihii kaabamooriyaan Cabdul, waa kuwo yar, oo hilmaamay in taariikh cusub ay qormeyso laakiin dadka Sh.Hoose ee u taagan qadiyadooda ay ka badan yihiin intaas yar, waana kuwo aan marna ogolaan doonin in kuwii dhiiga dadkooda ku naaxay ay uga gadaal fariistaan aayaha deegaanadooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran