Dhegeyso Waalida C/qaadir Sidii oo sida uu uga hadlayo Istaraatiijiayad qaldan ee Ciidamada Amsiom kana Beensheegaya Kabixitaanka Amisom ee Deegaanada Shabeelada hoose.

Gudoomiyaha xilkiisa sida dhaxal ka ah loo siiyey oo aan laga qaadin ayaa wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxa uu kaga hadlay istaraatiijiyada Ciidamada Amisom iyo kuw Dowlada Fedaraalka.

Siidii ayaa ku tilmaamay Shabeelad hoose meel ay ku xooganyihiin Shabaab oo sida buuraha Afgaanistaan oo kale ay u degeen, dhulka ugau badan ee lagu duqeeyeyna uu yahay taas oo keentay in dhul lagu dhuuman karo ay ka dhigtaan howdka Shabeelada hoose.

C/qaadir Siidii ayaa sidoo kale sheegay inay hubeeyeen Beelaha sida uu sheegayo is ay isaga dhicyaan Shabaab “hada dadkii ayaa kacay iyagaa la dagaalamaya shabaab, tooratoow dhowr jeer dagaal ayaa ka dhacay oo udhaxeeya Shabaab iyo dadka deegaanka saas oo kale Qoryooey shacabka oo is hubeeyey ayaa iska dhiciyey shabaab” ayuu hadalkiisa uu ku sheegay.

Waxa uu ka xishoon waayey Tooratoorow iyo Qoryoole oo ay deegaan ahaan u sheegato beeshiisa inuu buuninta ka daayo iyadoona la ogyahay in deegaanadaas ay si toos ah iyo si dadbanba ay u maamusho Shabaab iyadoona aan la qarin Karin in Tooratoorow ay xilligani tahy Meel ay gacanta ku hayso Shabaab.

Sidoo kale isaga oo ka been sheegaya degmooyinka iyo deegaanada ay baneeyeen Amisom oo ay la wareegeen shabaab ayuu hadana ku sheegayaa inay taasi tahay istaraatiijiyada dagaal, wuxuuna indhaha ka qabsaday Awdhiige, Bariiri, tooratoorow iyo deegaano kale.

Dhegeyso.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE