Ganacsiga Degmada Marka oo hakad ku jira ka dib Qaraxyo lagu weeraray Ciidamada Amisom.

Ciidmada Amisom oo marayey inta u dhaxaysa Suuqa Shidaalka iyo Buundo Bilan ayaa waxa lagu weeraray qarax xoogan.

Qaraxyada oo u muuqday kuwo horay loogu sii diyaariyey Wadada ayaa lala eegatay Booyad ay wateen iyo Ciidamada dhulka ku socdaalayey oo rondo hayey.

Ilaa shan qarax ayaa lasoo sheegayaa in lagu qarxiyey, qaraxyada qaarkood ayaa loo adeegsaday Bambaanooyinka Gacmaha lagu tuuro.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradaas qaraxyada ah ee Amisom lagu qaaday, waxaana jira rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamada oo baqdin xoogan gelisay dad ganacsiga ku lahaa guud ahaanba suuqa Marka.

Lama soo sheegin cid wax ku noqotay Rasaasta Amisom ay furtay, hase ahaatee waxa gabi ahaanba istaagay Ganacsigii Magaalada oo ay dadku ku kala yaaceen xaafadaha ay u arkaan inay ku nabad geli karaan.

Inta badan Suuqa iyo Wadooyinka ayaa hada waxa ku sugan Ciidamada Amisom oo lugeynaya oo weli ka baqdin qaba in weerarao kale lagu qaado.

Amisom markay Mareyso wadooyinka Marka ayaa la kulmo weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwo fool ka fool ah oo ay ku qaadaan Dagaalyahaanada Shabaab.

Inta badan Weerarada Degmada gudaheeda ee lagu qaado Amisom ayaa waxay sababaan inay furan rasaas xoogan oo wexloo ba’an gaarsiinaysa dadka shacabka ah.

Marka ayaa marti gelinaysa Weeraro kala duwan oo Amisom lagu qaadayey Bilihii ugu dambeeyet mana jirto isbedel ay la timid Amisom oo ay ku hakineyso weerarada ay kala kulmeyso xoogaga hubeysan ee diidan joogistooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE