Wasiirkii hore ee Somaliland oo si kulul uga horyimid Eedeymo loo soo jeediyey.

Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha dibadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay warar  saacadihii ugu dambeeyay la hadal haayey oo sheegaya inuu saxiixay heshiis qarsoodi ah oo xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo lagashay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa si cadho leh uga jawaabay arrintaasi  “Waxaan Cadaynayaa intii aan Wasiirka ka ahaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo in aanuu jirin  heshiis aan la galay Soomaaliya iyo Puntland toona, wadahadalada aan ka qayb galayna waxay ahayeen  kuwii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland. waan maqlay warbixinaha uu ninka la yidhaahdo Xirsi (wasiirka madaxtooyada) warbaahinta ku faafiyay ee sheegaya arrintaasi, waa gar darro, khaldan ah waxaan u arkaa arrin uu wax ku yeelayo xukuumadda uu ka tirsan yahay” ayaa yidhi Maxamed Cabdialaahi Cumar.

Jawaabta kulul ee kasoo yeertay Wasiirkii hore ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi, ayaa ka dambaysay kadib markii ay soo baxeen warbixino lagasoo xigtay barta siraha faafisa ee Weakleaks oo kashiftay siro baaxad leh oo ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda wadanka Sucuudiga oo laga dhex helay arrimo ku saabsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Isbahasiga mucaaradka  Somaliland oo cuskanaya warbixinaha Weakleaks ayaa khiyaamo qaran ku eedeeyay xukuumadda Madaxwayne Axamed Maxamed Siilaanyo.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji, ayaa beeniyay inuu eedaymo u jeediyay Maxamed Cabdilaahi Cumar, sidoo kale waxaa uu meesha ka saaray warbixinaha laysla dhex Marayo ee lagasoo  xigtay barta Weakleaks.

“Waxaan Beeninayaa Warka Warbaahinta qaarkood ku sheegeen in ay kasoo xigeen Mareegta caanka ku ah faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks, kaasoo sheegaya in Somaliland iyo Somalia heshiis midow wada galeen isla markaana aan eeda arrinkaas dusha u saaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibeda, waxaan cadaynayaa in warkaas aanu sal iyo raad toona lahayn oo aananan waxba ka ogayn!”

Wasiir Xirsi ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bar uu ku leeyahay internetka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE