Weeraro ka kala dhacay Ciraaq iyo Suurira oo Waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad shacab ah.

Barkoontarool oo ay ku sugnaayeey Ciidamada Maamulka Bishaar alasad iyo Maleeshiyaad Shiicaha oo ku yaala Magaalada Aleppo ee Wadanka Siiriya ayaa wax aka dhacay Weerar dad badani ay ku wax yeeloobeen.

Ruux Naftii hora ahaa ayaa isku qarxiyey Barta Koontaroolka xilli si aad ah loo buuxiyey Kootaroolka.

Kooxda Jabhatu Nusra oo ka mid ah garab ka barbar dagaalama Alqaacida oo ku sugan Siiriya ayaa sheegatay Mas’uuliuyada Weerarka Ismiidaamin.

Inta la ogyahay 20 qof oo u badan Ciidamadi halkaasi ku sugnaa  ayaa ku geeriyootay tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen oo iyagana ka tirsanaa Ciidamada iyo Maleeshiyada Shiicada.

Magaalada Aleppo ayaa weli waxa ku hardamaya gacan ku heynteeda Ciidamada daacada u ah Bishaar Alasad iyo Mucaaradka kasoo horjeeda.

Sidoo kale waxa jira weeraro ka dhacay Magaalooyin waayey oo ku yaala Siiriya oo ay ku badanyihiin Calawiyiinta uu kasoo jeedo Madaxweynaha hada wadankaasi maamulaya.

Dhanka kale Diyaaradaha Dagaalka ee Wadanka Ciraaq ayaa si qaladan u duqeeyey Magaalada Caasimada ah ee Baqdaad.

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku geeriyooday weerarka oo lala beegsaday guryo ay degenaayeen dad shacab ah, dadka geeriyoodaya ayaa wax ku jira Caruur iyo Haween.

fhayeen u hadlay ciidamada dowlada Ciraaq ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradooda oo kasoo qeyb qaadatay duqeynta xarumaha ISIS ay xiligii ay dib ugu soo noqneysay xaruntooda Baqdaad ay si khalad ah uga fakatay mid kamid ah bambaanooyinkii ay diyaarada xambaarsaneyd, arrintan oo uu afhayeenka ku sheegay cilad farsamo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran