Agaasime katirsan Maamulka G/Banaadir oo ka badbaaday qarax looogu xiray….

Mas’uul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka bad-baaday isku day oo la doonaayo in lagu qaarijiyo, kadib markii baabuurkiisa waxyaabaha qarxa lagu xiray oo la qarxiyay.

Xilliga Baabuurka la qarxinaayay ayaa wuxuu yaallay meel ku dhaw Xarunta Degmada Waaberi, balse cid kuma aysa dhexjirin Baabuurka.

Agaasimaha Waaxda Diriseynta Maamulka Gobolka Banaadir waaye Sarkaalkaan isku day dilka ka bad-baaday, waxaana lagu magacaabaa C/xakiin Al-Haadi.

Wax khasaaro ah kama dhalan qaraxaan maanta la doonaayay in lagu dilo Agaasimaha Waxda Dirisaynta ee Maamulka Gobolka Banaadir, balse Baabuurka uu watay Sarkaalkaan ayaa bur buray.

Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax gaari lagu soo xiray, waxaana ku dhintay qaraxaasi 2-ruux saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Maalintii Axada ee todobaadkaan sidoo kale Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida Somalia ayaa isagana lagu qarxiyay Barxada Ex-Shaneemo Afrika ee Degmada Xamar Jajab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran