dalka Tunisia oo darbi dheer ka dhiseysa xuduuda ay la wadaagto dalka Libiya.

Dowladda Tunisia ayaa ku dhawaaqday in darbi dheer ay ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto dalka Libiya, si ay uga gaashaamato weeraro uga yimaada waxa ay ugu yeertay Argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Tunisia Habib Essid ayaa sheegay darbiga dheer ee laga dhisayo xuduuda uu talagalkiisu yahay kaliya in la sugo amniga.

Darbigan ayuu dhirirkiisu yahay illaa 160Km, iyadoo Tunisia ku dooneyso inay kaga hortagto in kooxo mintidiin ah oo ay sheegtay inay uga soo gudbaan dhinaca Libiya.

RW Habib Essid Waxaa uu sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay tallaabooyinka ay dowladdiisa kula dagaalameyso Argagixisada.

Madaxweynaha Tunisia ayaa dhowaan sheegay in dalkiisa uu ku soo rogay xaalad deg deg, si wax looga qabto amnidarada ku soo korortay.

Labo todobaad ka hor ayay aheyd markii nin hubeysan uu ku dilay xeebta magaalada loo dalxiis tago ee Sousse illaa 38 qof oo dalxiisayaal, kuwaasoo badankood udhashay Tunisia.

Bishii March ayay aheyd markii dabley hubeysan ay weerareen matxafka bardo oo ku yaal magaalada Tunis, halkaasoo dad ku dhow 22 ruux lagu dilay.

Koox Islaamiyiin ah oo gacan saar la leh Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarada ka dhacay dalka Tunisia.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE