Howlgal Amniga lagu xaqqiijinaayo oo ay ciidamada AmaankaPuntland aykafuliyeen Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ammaanka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sameeyay howlgalo ay ammaanka ku xaqiijinayaan, waxaana howlgalkaasi lagu soo qabtay ku dhawaad 200 oo ruux.

Xaafadaha Waqooyiga Magaalada Galkacyo ayaa howlgalkaan laga sameeyay, dhalinyarada lasoo qabtay ayaa la sheegay inay yihiin qaar amniga qal qal gelinaayay iyo kuwa habeenkii laga seexan waayay Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa waalidiinta ku wargaliyay inay ilmahooda la socdaan islamarkaana ka joojiyaan dhaqanada lidi ku ah bulshada.

Wuxuu sheegay dhalinyarada howlgalka lagu soo qabtay in Saldhiga la isugu geeyay oo Taliska Saldhiga ay baadhis ku hayaan, qaarna la siidaayay, balse wuxu sheegay kuwa dambiyada lagu helaa in tallaabo adag laga qaadi doono.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo Maamulka Puntland ay ka arimiyaan ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo masuuliyiinta Maamulka Puntland ee Mudug loo gaysto.

Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland Muuse Nuur ayaa shaaciyay in ciidamada habeenkii ay joogteyn doonaan howlgalada amniga lagu xaqiijinaayo si looga feejignaado dhalinyarada amniga qal-qalgelinaysa.

Magaalada Gaalkacyoiyo guudahaan gobolkamudug  ayaa u kala qaysan labo dhinac oo kala ah qayb ay Puntland maamusho tan iyomarkii la aasaasay  iyo qeyb kale oo marba maamul beeleed loo sameynaayay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE