Wadan kamnid ah wadamada Barwaaqo-sooranka oo jeebsiibka uugaaray heerkii ugu sareysay.

Tirada dacwadaha jeeb-siibka ee Iswiidhen ayaa sare u kacday ku dhowaad 40 boqolkiiba 15-kii sano ee u dambeeyay, sida muujineyso tirakoob ay soo saartay hay’adda Brå.

Xilliga fasaxa kuleylaha ama sommar-ka ayay aad u soo kordhaan tuugada jeeb-siibka sida ay sheegeen booliska oo imminka kordhiyay joogitaankooda halka dalxiisayaasha ku badan yihiin magaaladda Stockholm ee Gamla stan.

Toddobaadkan iyo kan xiga, booliska qeybta Södermalm ayaa xafiis dhaqdhaqaaqa ku yeelanaya barxada Stortorget ee Galma stan halkaasi oo dadka ka helaan warbixino, geyn karaan alaabooyinka la helo sidoo kalana ku reebi kara dacwooyin marka la xado.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE