Raisul wasaarihii hore ee Ugandha Amama Mbabazi oo xabsiga loo taxaabay.

Raiisul wasaarihii hore ee dalka Ugandha, Amama Mbabazi ayaa lxabsigaloo taxaabay, waxaana lagu hayaa deegaanka Njeru ee bartamaha dalkaasi.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in saacadaha soo socda  loosoo wareejin doono  magaalada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.

Mr Mbabazi ayaa horey waxaa looga digay inuu qabto isu soo baxyo oo uu ku muujinaayo rabitaankiisa inuu qabto xilka madaxweynaha dalka Ugandha.

Lataliyaha gaarka ah ee Mr Mbabazi, ayaa xaqiijiyay xariga loo geystay mas’uulkaan.

Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni ayaa muddo hayo xilka madaxtinimo, laakiin Mr Mbabazi ayaa tilmaamay inuu doonaayo inuu Musaveni bedelo. Waxaana ay taas dhalisay in Madaxweyne Musaveni uu ilgaar ahku haayo dhaqdhaqaaqa mas’uulkaan oo baqdin ku abuurtay ololaha uu ugasoo horjeedo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE