RW CC oo warbixinno ka dhageystay mas’uuliyin ka tirsan golayaasha dowladda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa warbixinno ka dhageystay mas’uuliyin ka tirsan labada golaha ee dowladda.

Cumar ayaa maalmahan waday qorshe lugu oggaanayo shaqada golayaasha dowladda iyo waxii u qabsoomay,waxuuna dhageysanayay warbixinno la xiriirta wax-qabadkooda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa mas’uuliyinta kula kulmay xafiiska wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya,waxuuna halka kulan kula qaatay Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru dowladaha iyo Wasiir ku-xigeenka kaasi oo  PM Cumar uu Madaxda Wasaaradda kaga dhageystay warbixino la xiriirta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, waxaana uu Ra’iisul wasaaraha ku bogaadiyay Madaxda Wasaaradda inay sii dar dargeliyaan adeegyada ay Wasaaradda Warfaafintu u gudbiso bulshada.

Shirka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Telefishinka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo Agaasimaha Radio Muqdisho sheikh Cabdirixiin Ciise Caddow, oo Raisul wasaare Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay howlaha Idaacadda iyo Tv-ga ay u hayaan bulshada iyo doorka Xukuumadda uga aadan dhiiri gelinta howlwadeenada Warbaahinta Qaranka.

Afhayeenka xukuumadda ee dhawaan la magacaabay,Cabdisalaan Axmed Caato ayaa isna goob-joog u ahaa kulamada iyo warbixinnada uu mas’uuliyinta dowladda ka dhageysanayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale,Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xafiiska Wasiirka Warfaafinta waxa uu kulamo saacado qaatay la yeeshay Xildibaanno iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsanaa kala warqaadasho iyo isu baraarujin u adeegidda bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Cumar ayaa dadaal ku bixinaysa hirgalinta wax-qabad muuqdo,sida uu horay u balan qaaday ra’iisul wasaare cumar cabdirashiid.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran