Faahfaahin dagaalkii manta ka dhacay Deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Magaalada Marka.

Maleeshiyo uu hoggaaminaayo Xasan jaamici ayaa saakay waxay weerar kusoo qaadeen deegaanka ceel jaalle ee duleedka Magaalada Marka.

Ciidamada deegaanka ayaa kala hortagay iska cabin xoog badan,waxaana lagu soowaramayaa in halkaas looga furtay hubka noocyadiisa kala duban. Hal qori nooca BKM ka loo yaqaan iyo tobaneeyo qoryaha Nooca AK47 ayay uga carareen goobtii la isku farasaaray.

Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in maleeshiyo badan meedadkooda ay yaalaan wadada isku xirta ceeljaalle iyo shalaambood.

Xaaladda Deegaanka Ceeljaalle ayaa wali kacsan waxaana wadooyinka Ceel jaalle lagu arkayaa Boqolaal katirsan ciidamada deegaanka oo ku jiheysan dhanka shalaambood oo ay ubaxsadeen maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxaa magaalda Markalaga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamadaDeegaanka,waxaana ay saraakiisha ciidamada hoggamineyso ay noo xaqiijiyeen inay ku sugayaan amaanka inta ay ka joogaan magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran