Hay’adaha Amniga ee Muqdisho oo Sheegay inay ka warhayeen Gaari waxxaha qarax lagu soo xiray oo yiilay Wadada Makka almukarama.

Inakabadan 10 ruux ayaa geeriyootay weeraradii lagu qaaday Hotel Weliyey iyo Siyaad oo ku yaala Muqdisho,Weerarada ayaa isugu jirey Isqarxin iyo Rasaas toos ah oo lala galay gudaha Hotellada xilli waqtiga uu ku beegnaa Afurka.

Laba Gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu dhuftay Albaabada Wehliye iyo Siyaad, waxaana gudaha u galay rag hubeysan, oo ka tirsanaa Shabaab.

Laamaha Amaanka yaa sheegay in dad gaaraya 10 ruux ay ku geeriyoodeen labada weerar oo ay ku jiraan kooxhii weerarka soo qaaday oo meelo kala duwan lagu gtoogtay.

Dadaka dhaawacmaya ayaa waxa ku jira laba Xillibaanoo lagu kala magacaabo, Xillibaano Ciise Wehliyeye Maamlin iyo Barre Ugaas abdi oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo ku sugnaa Hotel Wehliye ee Magaalada Muqdisho.

Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo Saraakiisha Laamaha amniga ee Muqdisho oo gaaray Hotellada ay mashaqadu ka dhacdaya ayaa sheegay inay soo afjareen weerarada.

Xarakada Dagaalamayaasha Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada labada weerar.

0a449044 205c5196 a2b7eb85 acc34c02 b95bfd8f

An ambulance arrives at the scene of an explosion at the gate of Wehliya Hotel in Somalia's capital Mogadishu, July 10, 2015. REUTERS/Feisal Omar
An ambulance arrives at the scene of an explosion at the gate of Wehliya Hotel in Somalia’s capital Mogadishu, July 10, 2015. REUTERS/Feisal Omar
Somali government soldiers arrive at the scene of an explosion at the gate of Wehliya hotel in Somalia's capital Mogadishu, July 10, 2015. REUTERS/Feisal Omar
Somali government soldiers arrive at the scene of an explosion at the gate of Wehliya hotel in Somalia’s capital Mogadishu, July 10, 2015. REUTERS/Feisal Omar
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE