Baxsadkii Wasiirada Koonfur Galbeed iyo hadal heynta Shacabka Degmada Marka..

Maalin Talaada ah 24kii Bishii Febraayo ee Sanadkan ayey ahayd Maalintii Wasiiro loo arkay kuwo wax badan kusoo kordhin kara deegaanka ay soo gaareen Deg Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Ujeedooyin kala duwan ayey ka lahaayeen safarkaas oo loo maleenayey inuu horkacayey Wasiir Maxamed Xasan Fiqi balse Daaha gadaashiis uu ka maamulayey Ibraahin Cali Xaaji oo hogaamiya Odayaasha ismagacaabay ee Muqdisho ku sugan.

Waxa jirtay markii ay Gobolka soo gaareen inay kulamo gaar gaar ah la qaateen bulshada deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada deegaanka oo loo sheegay in la dhaqan gelinayo heshiskii Afgooye lana soo afjaray Xabada.

Waxaa sidoo kale Dadka deegaanka iyo maamulkooda loo sheegay in Habar gidir ay siyaasad wax ku raadin jirtay Marka laga adkaado hada taasi bedelkeedana laysugu darayo Siyaasad iyo Gumacii loogu adkaan jirey.

Hadal u Muuqday in loo riyaaqay hase ahaatee aan laga fekerin waxa ka daba imaan kara ayaa meeshaa loogu hadaaqay weliba loo sacaba tumay kuwii ismagacaabay iyo Wasiiradii ay wakiisheen oo daaha dhabarkiisa laga Maamulayey.

Wixii Nambar 50 lagu sugnaaba waxa la tagay meelo kala duwan oo Marka iyo Ceeljaale ay ku jiraan, Ogow waxa safarka galbinaya Amisom oo lasheegay inay qayb ka tahay fulinta heshiis beenaadkii afgooye.

Ka sheekeenta wixii Marka ka dhacay waa kuwo laga wada dheregsanyahay oo aan dib loogu laabaneyn laakiin oraah ayaa jirtay oo sheegeysay “Wixii uurka yaala afkaa soo dafa” hadalo badan oo ay jecleesan dadka deegaanka ayaa loogu hadaaqay Shirarkii Marka gudaheeda ka dhacay.

Saan horay u sheegnay falal kala duwan ayaa Marka ka dhacay Bilowgii Safarka Wasiirada laakiin iyadoo laga duulayo Amarka Hogaamiyahay Odayaasha ismagacaabay Ibraahin Cali xaaji ayaa lagu amray Wasiiradii kala ahaa Maxamed Cumar Barre (Maclin Bare) oo ah ninka shaxda la dega Ibraahin, Maxamed Xasan Fiqi oo ah Shakhsi ka amar qaata Ibraahin islamarkaana ilaashanaya kursi ay suuragal tahay in mar hore go’aan laga gaaray, Xuseen Cali Xaaji oo ku aaba ah Ibraaih Cali Xaaji oo Shahaado Been abuur ah oo lagu sheegayo inuu kasoo baxay Jaamacad ku taala Suudaan Aboogiis uu ku geeyey Wasiir ku xigeen iyo Gabadha lagu magacaabo Binti Ibraahin Cali oo ku jahwareersan qaabka qaldan ee ay u dhaqmayaan Wasiirada iyo Odayaasha ismagacabaay ayaa lagu amray inay jiri doonin ficillo loo geysto Maleeshiayada dulka ku sugan taasi bedelkeedana la qaboojiyo xiisada.

Iyadoo ay wax badan fashilmeen meeshana laga saaray ujeedooyin waaween oo laga lahaa deegaanka ayaa maalin cad waxa meel cidla ah kusoo dhacay damacii waalnaa ee Wasiirada.

Intay Magaalada joogeen waxa ka xirmay Dukaamo iyo goobo ganacsi ah oo adeegyo ka qaadan jireen ka dib markii lagu yeeshay lacago deen ah oo tira badan.

Waxay ka shuureeyeen inay ka baxsadaan Marka oo lagu fashilmay weliba lagu guul dareestay inay wax kusoo kordhiyaan ayna fuliyaan danihii loo keenay.

Waxa laysku raacay hadba sida lagu baxsan karo in aan laga shakin ee lagu dhaqaaqo hadiiba ay isku darsameen fashil iyo deymo xad dhaaf ah oo lagu yeeshay Wasiirada.

Subax Sebti ah ayaa Baabuur Nooca Caasiga ah ee Marka Jaadka uga soo qaada Muqdisho ayaa waxa kusoo baxsatay Binti Ibraahin Cali oo ku magacaaban Wasiirka ku xigeenka arimaha qoyska, Haweenka iyo xuquuqul insaanka.

Mudo Usbuuc ka dib ah Maxamed Xasan Fiqi iyo Xuseen Cali Xaaji ayaa xilli aroor hore ah ku baxay sida la sheegay gaari ay lahaayeen Ciidamada Boliiska, siday sheegayaan dadka Marka ku sugnaa labadaasi Wasiir ayaa kusoo baxay inay Nambar 50 howl u tagayaan ayna soo laaban doonaan, laakiin maalmo ka dib waxa laga warhelay Wasiiradii oo ka tagay Nambr 50 weliba raacay gaari Nooca Roneeda ah iyo Gaarigii Boliiska oo Marka ay uga baxsadeen.

Waxaa Marka ku haray Macallin Bare oo awalba loo daayey in xoogaa uusoo maaweeliyo Shacabka iyo Kooxda dhul ballaarsiga Marka u joogta marba hadii qorshahooda uu fashilmay.

Wax ka yar laba Usbuuc ayuu Macallinka ka dambeeyey Wasiiradii baxsadka ahaa, siday Markacadey u xaqiijiyeen Wasiir Macallin Bare ayaa ku baxsaday isla gaarigii ay raacday Binti Ibraahin oo ahaa gaarigii Jaadka usoo qaadi jirey Marka.

Dadka oo sugaya in Wasiirada ay soo laaban doonaan ayaa ka war helay in Kii ugu dambeeyey ee ahaa Guulguulkii shacabka uu raacay Gaariga jaadka, waxa rumowday uu Alla aqbalay Duco inta badan ay dadka ku duceysanayeen oo ahayd “Hadii ay kheyr iyo faa’iido wadaan allah daysto, hadii ay fidno wadaanna allah na dhaafiyo”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE