Ciidamada Amisom Weli wada Dilka ay ka geysanayaan gudaha Deg Marka.

Ciidamada Amisom ee ku sugan Degmada Marka ayaa wada dhibaatooyin kala duwan oo ay ku hayaan Shacabka degen xaafadaha ku teedsan Wadada laamiga ah.

Amisom ayaa inta badan la kulma weeraro bambaana ah oo isugu jira kuwa gamaha laga tuuro iyo kuwa wadooyinka lagu sii diyaariyo oo ay adeegsadaan kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda.

Maalintii Shalay ayaa Ciidamo Amisom ah oo marayey meel u dhow suuqa dhuxusha ayaa waxa lagu tuuray Bam Gacmeel aan la ogeyn khasaaraha uu geystay.

Markaasi ka dib waxay fureen rasaas waqti kooban socotay oo ay ku ridayeen Shacabka wadooyinka socda, waxa guud ahaanba laga firxaday wadooyinka dadka ayaa u kala baxsaday wadooyin ciriiri ah halka kuwo kalana ay galeen Masaajida si ay ugu nabad galaan.

Dadka ugu badan ayaa galay Masjidu Raxma oo ku yaal Suuqa Wajeer ee degmada Marka halkaas oo ugu dambeyn intay Amisom gudaha u gashay rasaas xoogan la dhacday dadkii Masaajidka Maciin biday, rasaasta ay fureen waxa ku geeriyooday Mu’adinka Masjidka dadkalana waa ku dhaawameen Masaajidkagudahiisa.

Waxaa guud ahaanba shalay xirnaa ganacsigii iyo adeegyadii bulshada xilli dadku ay ku howlanyihiin diyaar garowga loogu jiro bilashada Maalinta Ciidul Fidriga oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Intaasi ka dib waxa guud ahaanba Xaafadaha ay saameenayaan dhibka amisom ka bilowday banaanbaxyo ay dhigayeen dad shacab ah oo kasoo horjeeday dhibaatada ay Amisom ka wado Marka gudaheeda.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran