Dhegeyso Waxgaradka Ceeljaale oo ka earbixianaya Xaalada Deegaanka.

Waxgaradka Deegaanka Ceeljaale oo Maalintii shalay ka barbar dagaalamayey Ciidamada Deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay dhibaatada Xasan Jaamici mar kasta ah tahay mid soo laalaabatay.

Waxgaradkan ayaa tilmaamay weerarkii lagu soo qaaday dhankooda ay ka nabad qabaan hase ahaatee ay hayaan cadeymaha muujinaya dhibaatada soo gaartay Maleeshiyadii shalay lasoo qalday ee ku hungowday inay horu mar kasameeyaan Dagaalkii Shalay.

Waxay intaasi raaciyeen in markasta oo lasoo weeraro ay ka dhigantahay in loo keenayo Saanad Milateri oo ay furtaan, weerarkii shaleyna uu ka mid ahaa kuwa ay ku fuaranayaan Saanada “Mar kasta ganiimo ayey noo keenaan anagana waan ka furanaa, Xasan Jaamici iyo kooxdiisa shalay ganiimo ayaan ka furanay” ayuu yiri mid ka mdi ah waxgaradka Deegaanka Ceeljaale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE