Xaalad Deganaasho ah oo laga Dareemayo Deegaanka Celjaale oo shalay uu ka dhacay Dagaal xoogan.

Waxaa deganaasho laga dareemayaa Deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Marka oo shalay uu ka dhacay Dagaal xoogan oo u dhaxeeyey Ciidamada Deegaanka iyo Maleeshiyo damacoodu waalayey.

Weerarkii Shalay oo aad moodo mid laga soo baaran degay waxa fashiliyey Ciidamada deegaanka oo ku sugnaa Ceeljaale.

War aan helnay ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Maleeshiyada Dhul ballarsiga ay soo qaadeen Dagaalkii shalay, Xasan Jaamici oo ka tirsan Guuto Sedadaxaad isla markaana ah sarkaalka kaliya ee hada doonaya inuu soo celiyo dhulbadan oo maleeshiyadan ay hore u waayeen, Xasan Diirshe oo qaraabo hoose ay yihiin Xasan Jaamici oo haysta Maleeshiyad ku jirta Iskuulka Al-raxmaan ee Marka gudaheeda iyo Nin lagu sheegay Magaciisa Gambaleel oo horey usoo waayey Buufow Bacaad ayaa soo qaadey weerarkii shalay.

Xasan Diirshe oo ka tirsan Guuto Shanaad islamarkaana ah Ninka kaliya ee hada guutadaasi ka jooga Shabeelada hoose ayaa shalay waxa uu qayb ka ahaa duulaankii Ceeljaale hase ahaatee dhaawac Culus oo soo gaaray Xasan Diirshe ayaa la awoodi waayey in lagu siihaayo Gobolka waxaana diyaarad nooca UN-ka ah ay ka qaaday Xerada Amisom.

Ninka lagu magacaabo Gambaleel ayaa isaga Reer ahaan waxay isku jufo yihiin Labadani sarkaal waxa uu horey u joogay Deegaanka Buufow bacaad oo ay kasoo fara maroojiyeen Ciidamada Deegaanka.

Inkastoo fashilka iyo Firxadka Maleeshiyadan uu gaaray deegaano kala duwan oo Buulo mareer hoostaga ayaa waxaa suuragal ah in Calooshooda u shaqeystayaal ay soo kireystaan si loo dagaal geliyo.

Waxaa jira isku dayo ay ku doonayaan inay mar kale weerar ay kusoo qaadaan Deegaanadan ay ka samri la’yihiin hase ahaatee waxaa taasi ay ka dhaadhac sami la’dahay Maleeshiyadii lagu soo kireyn jirey Shilimaadka oo inta la keeno Furimaha iyagoo Meyd ah ama Dhaawac culus ah dib loogu celin jirey Deegaanada laga soo kireeyey iyadoona ay jirin wax maciin ah oo loo sameynayo dhawacyadooda ama Ehelka ay ka tageen.

Wixii soo kordha halkan ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE