Ardeyda Jaamacada Nairobi University oo Warqad u direy Safaarada Mareekanka ee Kenya.

Midowga Ardeyda Jaamacadda Nairobi University ayaa warqad codsi ah u diray Danjiraha Wadanka Mareekan ee fadhiya Kenya taas oo ku aadaneyd inuu soo booqdo Madaxweyne Obaama oo dhawaan halkaasi gaari doona.

Ardeyda yaa warqada sidoo kale ku sheegay inay ka xunyihiin in qorshaha aanu ku jirin booqasho Obama uu ku tagi doono Jaamacadooda.

Midowga Ardeyda Jaamacada Nairobi oo gaaraya tira ahaan 84 kun oo arday ah ayaa qoraakooda ku muujiyey booqashadii Sanadii 2006dii oo Obama uu tagay Nairobi University islamarkaana uu ku beeray Geed albaabka Jaamacada xilligaasi oo uu ahaa Senatorka Illinois.

Qaar ka mid ah Ardeyda ayaa ku hanjabay hadii laga jawaabi waayo codsigooda inay isdili doonaan, iyagoo xusuustooda ay weli ka guuxeyso qudabdii uu ka jeediyey Hoolka Taifa ee Jaamacada Nairobi.

Warqadan loo gudbiyey Danjiraha Mareekanka ee Kenya fadhiya ayaa waxa ku saxiixnaa Madaxa Midow Ardeyda Jaamacadaha Nairobi waxayna raja wanaagsan ay ka muujiyeen in qorshaha Booqashada Obama lagu soo dari doono.

Madaxweynaha Wadanka Mareekanka ayaa booqasho Seddax maalmood ah ku tagi doona Magaalada Nayrobi ee Wadanka Kenya halkaas oo lagu wado inuu kaga qayb galo Shir caalami ah oo loogahadlayo Ganacsiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran