Dowlada Giriiga oo ogolaatay Shuruudaha Midowga Yurub.

Wadahadaladii u dhaxeeyey Dowlada Giriiga iyo Midowga Yurub oo maalmahan ka socday Magaalada Brussels ayaa lagu gaaray heshiis horudhac oo ay saxiixdeen labada dhinac.

Dowlada Giriiga ayaa ogolaatay shuruudo la hordhigay ka hor inta aan la gaarin heshiiska kaas oo laga doonayo in la horgeeyo Baarlamaanka wadankaasi.

Midowga Yurub ayaa deeq dheeraad ah siin doona Gariiga hadii ay ogolaadaan in isbedel lagu sameeyo nidaamka lacag bixinta iyo adeegyada Bulshada si loo badbaadiyo Bangiga dalkaasi oo dhaqaalaha uu kasii idlaanayo.

R/wasaaraha Giriiga Alexis Tsipras ayaa ogolaaday shuruudaha adag oo ay ku xireen dalalka Midowga Yurub  isagoo arrintaasi ku bedashay in Midowga Yurub uu siiyo deyn sadexaad oo gaareysa $86 bilyan oo dollar halka hantiada Qaran ee dalka Giriiga oo gaareysa $50 bilyan oo dusha ka maamuli doonaan Midowga Yurub si deynta loogu maareeyo.

Caasimada Giriiga ayaa waxa ka bilowday Mudaaharaad looga soo horjeedo heshiiska ay wada saxiixdeen Midowga Yurub iyo Dowlada Giriiga, Waxaana todobaad ka hor Shacabka ay afti u qaadeen in dowlada ay ogolaanin shuruudaha Midowga Yurub.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran