Puntland oo Siyaasad Culus kala hortageysa Dowlada Xasan Sheekh.

Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxa ku sugan Hogaamiyayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamulka Boobland Axmed Madoobe, R/wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Cumar C/rashiid Cali iyo C/weli gaas Madaxweynaha Puntland.

Wadahadalada oo horey ay u lahaayeen Axmed Madoobe iyo Gaas ayaa ka arinsanayey siday ka yeeli lahaayeen Dowlada Xasan Sheekh iyo arinta Maamulka Cadaado lagu dhisay hase ahaatee waxa ku biiray R/Wasaare Cumra C/rashiid oo shalay gelinkii dambe halkaasi gaaray.

Waxaa lasoo sheegayaa in Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland isagana dhankiisa looga yeeray inuu kasoo qayb galo arinta xalka looga raadinayo siyaasada Puntland oo aad moodo mid haadaan kasii dhaceysa.

Faroole ayaa lagu wadaa in R/wasaare Cumra C/rashiid uu soo hordhigo heshiisyadii horey ay u wada galeen Puntland iyo Dowladihii KMG ahaa iyo kuwa hada lala saxiixday Dowlada Xasan Culusow uu hugaamiyo.

Puntland ayaad moodaa inay siyaasad culus kala hortageyso taageerida Dowlada Xasan Sheekh ay taageereyso Maamulka Cadaado lagu dhisay dhawaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE