Wasiirada Koonfur Galbeed oo isbedel lagu sameen doono iyo Wasiiro Xusul duub ugu jira inay helaan Xillibaano.

Madaxweynaha kalitaliska ah ee hogaamiya Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inuu dhawaan isbedel uu ku sameeyo Wasiirada hada u magacaaban.

Wasiirada oo Markii la magacaabay lagu sheegay Isbaaro qaad aan wax dan ah laga lahayn ayaa tan iyo markii la magacaabay aan qabsan wax howl ah oo ku aadan Wasaaradaha loo magacaabay.

War ay heshay Shabakada Markacadey ayaa tilmaamaya in Wasiirada lagu sameen doono isbedel islamarkaana intooda badan ay noqon doonaan kuwa daaqada ka baxa.

Wasiirada ayaa hada gaaraya in ka badan Lexdan (60) oo aan lagu soo xulin karti iyo aqoon hase ahaatee lagu keenay dano iyo arimo gaar ah ayaa sida muuqata waayi doona jagooyinkooda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wasiirada ay hada bilaabeen inay xod xotaan Odayaasha laga yaabo inay soo xulaan Xubnaha Baarlamaanka, si ugu yaraan ay uga soo dhex muuqdaan Saaxada siyaasadeed ee Koonfur galbeed.

Sahrrif Xasan ayaa soo saari doona Ku dhawaad 16 -18 Wasaaraood oo uu soo xuli doono walow aan la ogeyn inay ka mid noqon doonaan Wasiiradii lagu sheegay markii la magacaabayey Isbaaro qaad.

Tan iyo Markii la magacaabay Wasiirada Maamulka Fadhiidka ah ee Shariif Xasan ayaan muuqan wax howl ah oo ay qabteen Wasaaradaha iyadoona ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo ay la daalaa dhacayaan dadka kunool deegaanada ay kasoo jeedaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran