Ciidmada Madxweynaha Yaman oo lawareegay Gacan kuheynta Gagoonka Cadan.

Ciidamo daacad u ah Madaxweynaha dibad jooga ee Wadanka Yaman ayaa Dagaal Mudo qaatay kula wareegay Gacan ku heynta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadan.

Xoogaga oo la dagaalamaya Maleeshiyada Xuutiyiinta iyo Maleeshiyaad kale oo daacad u ah Madaxwenihii hore ee Dalkaasi Cali Cabdalla Saalax ayaa helay Saanad Milateri oo kasoo gaartay Dowlada Sacuudiga.

Dhanka kale Diyaaradaha Sacuudiga ayaa Duqeeyey goobo ku yaala Magaalada Caasiamada ah ee Sanca oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yaman.

Waxaan Wadankaasi aan ka dhaqan gelin xabad joojin horey loogu baaqay Xilli kooxaha isku haya ay raali ka ahayn shuruudaha xabad joojinta.

Warabixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ka badan 20 kun oo ahaa shacab ay ku barakaceen Colaada Yaman ka jirta

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran