Daawo Sida ay mooryaanta Habargidir u boobaan mooska Beeraha Jannaale iyo ciidamada Deegaanka oo qorsheyay sidii loo joojin lahaa.

Beeraha Jannaale oo badankooda ay xoog ku heystaan ganacsato aan u dhalan degmada iyo jannaale iyo guud ahaan gobolka shabeellada hoose ayaa maalin kasta iska daldasha kheyraadka beeraha iyadoo dadkii deegaanka ay ka baahan yihiin.

Ganacsataan dhiig miiratada ah ayaa waxaa naas nuujiya oo meesha ku ilaaliya ciidamo ku beel ah, sida aad ku arki kartaan muuqaalka fiidiyowgaan ay iskasoo duubeen, waxaa ay u mahad celinayaan mooryaan Axmed absuge oo aan qarsooneyn dhibaatada uu ku haayo dadka deegaanka.

Degmada jannaale wax maamul ah oo ay leedahay majirto waxaana ku amar taagleeya ninkaan sheegta inuu madax u yahay guuto katirsan ciidanka militariga oo gabi ahaanba ah kuwo isaga ku heeb ah. maamul heer gobol ilaa heer wasaaradeed majirto cid ku dhiiratay oo wax katiri Axmed absuge dhibaatada uu ku haayo dadka deegaanka.

Talefishinka SNTV oo lagu sheego inuu yahay TV ga qaranka ayaa absuge iyo ganacsatada boobka u tagay shabeelaha hoose barnaamij kasoo diyaariyay, si ganacsatadaan boobka ka wado shabeelaha hoose uu uga dhigo kuwo sharci ah oo aan ahayn kuwo ku shaqeeya suuq mugdi.

Ciidamada Deegaanka oo ah ciidanka kaliya ee joojin kara dhofinta Hantida dadka deegaanka ayaan wali xog ka helin qaabka ay u dhoofiyaan mooryaanta, waxaa goor dhow lagu wargeliyay meelaha ay marsiiyaan iyo qaabka ay u shaqeeyaaan. saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa balan qaaday inay cunaqabateyn doonaan ayna hakin doonaan gabi ahaan ka ganacsiga hantida shacabka shabeellada hoose ee aan sharciga ahayn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE