Dowlada Kenya oo joojineysa Duulimaadyada Uga imaanaya Soomaaliya inta uu …….

Dowlada kenya waxaa ay sheegtay inay joojineyso duulimaadyada uga yimaada soomaaliya inta uu madaxweynaha Mareykanka, Brack Obama, ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.Afhayeenka Madaxtooyada Kenya, Manoah Esipisu, oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay khataro xagga ammaanka oo jira awadeed, inay Kenya hakinayso duulimaadyada kaga yimaada dalka Somaliya, mudada uu Madaxweynaha Mareykanka ku sugan yahay dalkaasi.

Afhayeenka, ayaa xaqiijiyay in duulimaadyada Somaliya ka yimaada laga joojin doono mudadaasi, Garoomada Jomo Kenyatta iyo Wilsan, iyadoo markaasi ay qayb ka tahay tallaabada lagu adkaynaayo ammaanka.

Manoah Esipisu waxa kaloo uu sheegay in booqashada Madaxweyne Obama ee Kenya, ay bilaaban doonto 25-ka bishan July, lana fillaayo inay qaadato ilaa 28-ka bishan.

Hadalka ka soo yeeray Madaxtooyada Kenya, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa, xilli Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay ka digtay weeraro ka dhaca Magaalada Nairobi, inta uu ku sugan yahay Obama.

Booqashada brack Obama ee dalka Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay nooceedii ugu horeysay oo uu dalkaasi ku taggo, isagoo ah Madaxweynaha Mareykanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran