Madaxweynaha Uganda oo Dhex dhexaadin ka bilaabay Kooxaha isku haya Wadanka Burundi.

Yuwei Musaveni Madaxweynaha Wadanka Ugand ayaa booqasho ku jooga Wadanka Burundi oo ay ka socoto Colaad u dhaxeysa Dowlada iyo kooxaha Mucaaradka wadankaasi.

 Musaveni ayaa dhex dhexaadin ka dhex bilaabay Kooxha isku haya talada isagoona hada ku sugan Magalada Caasimada u ah Wadankaasi wuxuuna ugu baaqy inay wada hadlaan oo ay dagaalka joojiyaan.

Wadamada Bariga Afrika ayaa soo jeediyey in dib loo dhigo Doorashada Madaxtanimada Wadankaasi oo dhici doonta dhamaadka Bishan aynu ku guda jirno.

Piererr Nuruziza Madaxweynaha talada haya ee Wadanka Burindi ayaa ku adkeysanaya in mar seddaxaad uu u tartami doono xilka Madaxwenaha isagoona awood ku kala diray Mucaaridka iyo Ciidamo inqilaab isku dayey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE