Maleeshiyada Kooxda Dhul boob oo bilaabay inay si dhuumaaleysi ah uga baxaan Marka.

Markii Dagaalada ay ka dhaceen Deegaanada Buufow Bacaad iyo Deegaanka Ceeljaale ee Duleedyada Maraka ayaa waxa isbedel la taaban karo uu ku yimid Mooryaanta ku jirta Gudaha Degmada Marka.

Mooryaanta ayaa bilaabay inay si dhuumaaleysi ay kaga baxsadaan Marka iyagoo adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay ku badbaadin karaan nafsadooda xilli go’doonka uu kusii xoogeysanayo.

Labadii Maalmood ee ugu dambeeyey ayaa Maleeshiyaad ku jirey Taliskii Maleeshiyada ee Swiss kalmo lasoo wariyey inay ka dhaqaaqeen kuwaa oo gaaraya ilaa 18 Maleeshiyo oo baqdin darteed u joogi waayey Xarunta Kaaba Mooryaanka Cali Cilmi ee lagu sheego Xarun Hay’adeed.

Maleeshiyaadkaas ayaa ku baxsaday siday tilmaamayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay Wado qardad jeex ah oo ay isticmaalaan Gaari dameerada taas oo aada Deegaanka Gandaawi ee isla duleedka Marka.

Sidoo kale waxa iyagana Doonyo ku baxsaday Maleeshiyaad ku sugnaa Taliskii Maleeshiyadan ay ku lahaayeen agagaarka Suuqa Wajeer xilli baqdintooda ay noqotay mid kusii hayn kari weysay Marka.

Waxaa inta badan yaraaday isasocdkii Mooryaanta oo lagu arki jirey Wadooyinka qaarkood iyo Suuqyada taas oo ka dhalatay iyagoo ka wel welsan goorta lagula dagaalami doono gudaha Marka marba hadii ay waayeen deegaanadii duleedyada ahaa taasna ay ka dhigantahay inay go’doonsanyihiin.

Inta badan agabkii yiilay Xarunta Ha’ada Beeleeda Swiss ayaa laga raray iyadoona si dhuumaaleysi ahaan loo saaray gaadiid xamuul ah.

Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii Buufow Bacaad iyo Ceeljaale ayaa soo degdegey fashilka dhow iyo quursiga kooxda dhul boob halka Ciidamada deegaankana uu usoo degdegey hamiga dhow ee ay ka leeyihiin soo celin ta dhulka yare e ku haray gacanta Maleeshiyada dadka dhibaateeneysa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran