Maxaa Kasoo baxay Wadaxaajoodka maamulada puntland, jubbaland iyo RW Cumar C/rashiid?(xog hoose).

Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Dowlada goboleedka Puntland ayaa sheegaya in wadahadaladii sadax geesoodka ahaa ee dowlada federaal ka soomaaliya iyo maamulada puntland iyo jubbaland wali la isku mari la’yahay.

Dowlada federaalka oo uu matalaayo Raisul wasaaraha soomaliya cumar cabdi rashiid ayaa usoo bandhigay maamulada puntland iyo jubbaland inay aqonsadaan maamulka galmudug oo ka kooban hal gobol iyo bar iyo gudiyada dhowaan uu baarlamaanka uu ansixiyay.

Sidoo kale Raisul wasaaraha ayaa dowlada goboleedka puntland u balan qaaday in dastuurka galmudug lagu sameyn doono dib u eegis lagana saari doono gobolka mudug unta ay dowlada puntland ka arimiso.

Puntland ayaa ku qanacday balan qaadyada uu u sameeyay RW Cumar c/rashiid, wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne xasan sheekh iyo  madaxweynaha cusub ee galmudug ay ka war hayaan balan qaadyada lagu qancinaayo puntland.

Xasan sheekh iyo xulufadiisa ay isku urur ka yihiin ayaa leh ujeedo fog oo ah sidii ay dalka Hoggaankiisa ay dib u hanan lahaayeen doorasahda 2016ka, si hiigsagooda u xaqiijiyaana waa inay dajiyaan xiisadaha ay wadaan maamulada puntland iyo jubbaland oo marwalba isugu habarwacda qaab beeleed.

Shacabka ku dhaqan gobolada dhexe ee ay khuseyso arintaan ayaan la ogeyn siday ugu qanci doonaan iyo ergadii ansixisay dastuurka galmudug ee dhigaya in galmudug ka kooban tahay mudug iyo galgaduud iyo in xadka ay wadaagaan puntland iyo galmudug uu yahay gobolka nugaal.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE