Wadaxaajoodka barnaamijkii Nukliyeerka ee Iiraan oo laga gaaray Heshiis Taariikhi ah.

Shantada Dal ee leh awooda fiitow-ga oo lagu daray jarmalka ayaa heshiis la gaaray dowladda Iiraan, kaasoo ah mid lagu joojinaayo bacriminta  barnaamijka yuuraaniyamka Iiraan, kadib wada hadalo soo socday muddo bilooyin ah.

 

Wada hadaladaan ayaa  ka socday magaalada Vienna ee dalka Austria oo ay lahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan iyo Wasiirada Arrimaha Dibada shanta Dal ee leh awooda fiitowga   oo kala ah Mareykanka, UK, France, China, Ruushka oo lagu daray  Jarmalka ayaa lagaga dhawaaqay in heshiis laga gaaray Nuclear-ka Iiraan.

Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa sheegay in Heshiiskan uu bog cusub u furayo dowladda Iiraan, isla markaana meesha ka saaraya cunaqabateyntii dhinaca dhaqaalaha ee muddo saarneyd.

Heshiiskan ayaa hakinaya barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan waxaana dusha kala soconaya hirgelintiisa Hey’adda Qaramada Midoobay ee Nukliyeerka.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid muujinaya in diblomaasiyadda Mareykanku ay keeni karto isbedel dhab ah oo macno ku fadhiya.

Congresska Mareykanka oo ay aqlabiyad kayihiin xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa lafilayaa inay  dib u eegis ku sameeyaan muddo 60 cisho ah gudahood, waxaana dhici karta in caqabad uu soo wajaho hishiiskaan hadii ay meel marin waayaan Congresska Mareykanka.

Wada xaajoodkaan u dhaxeeyay lixda dowladood ee quwadaha adduunka iyo Iiraan ayaa soo bilowday sanadkii 2006-dii, waxaana uu galayay marba marxalado kala duban.

Heshiiskan ayaa waxaa durbaba ka soo horjeesatay Israel oo u aragta mid caqabad ku ah danaha israaiil ee bariga dhexe, waxaana horay u jiray mad madow u dhaxeeyay Madaxweynaha Mareykanka brack Obama iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Netanyahu.

Israaiil ayaa rajo ka qabto in Congresska Mareykanka uu is hortaag ku sameeyo si wada xaajoodkaan u yeesho caqabad cusub, Congresska Mareykanka oo ay aqlabiyad kayihiin xubnaha xisbiga jamhuuriga oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedaan xisbiga talada haayo ee dimuqraadiga.

01

02

03

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE