Dhaq dhaqaaq Ciidan oo laga Dareemayo Duleedka Marka.

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Marka ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaq Ciidan oo aad u xoog leh laga dareemayo Deegaanada Shalambood iyo Gandaawi.

Ciidamada Deegaanka ayaa saake aroor hore weerar laba jiha ah ku qaaday Deegaanka Gandaawi oo u dhaxeeya Shalambood iyo Buufow Bacaad halkaas oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad tira yar oo halkaasi jid gooyo u tiilay.

Halgamayaasha Deegaanka ayaa si fudud gacantooda kusoo geliyey Gandaawi ka dib markii ay kala ordeen Mooryaantii halkasi ku sugneyd.

Dad ku sugan Deegaanka Gandaawi ayaa sheegaya inay arkayaan Ciidamo badan oo deegaanka ku cusub islamarkaana ku hubeysan Hubka kala duwan “Xaafadaha iyo Laamiga waxa jooga Ciidamo cusub waxa naloo sheegay inay Biimaal yihiin kuwoo horey u joogay waa ordeen hada xaalada waa degentahay” ayuu Markacadey u sheegay Goob jooga la hadlay.

Xaalad tii hore ka bedelen ayaa laga soo warinayaa Deegaanka Shalambood oo ahayd xudunta Maleeshiyada Nuur Jiido iyo Xasan Jaamici.

Saraakiisha Ciidamada Deegaanka ayaa ku goodiyey in saacada soo aadan ay soo celin doonaan Deegaanka Shalambood oo in muada ah ay maamulayeen Moryaanta islamarkaana hada xaaladeedu ay tahay mid aan la qiyaasi Karin.

Sidoo kale Ciidamo aan la ogeyn ujeedkood ayaa ku sugan Duleedka Shalambood gaar haan meel ku dhow halka loo yaqaano Ceelka oo ah wadada kala barta Buulo Cadeed iyo Shalambood.

Waxaa saacad kasta la filan karaa in Deegaanka Shalambood uu ka dhaco Dagaal lagu xureynayo.

Deegaanka Gadaawi ayaa wax ka yar 1 KM u jira Shalambood waana deegaan ku yaala wadada laamiga ah ee Buufow aada.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE