Hogaamiyaha Kooxda Daalibaan oo Sheegay in Wadahadal uu la Galayo Dowlada Afgaanistaan.

Fariin Maqal ah oo uu soo dhigay Barta Intenetka ayaa hugaamiyaha Kooxda Daalibaan Mullah Omar u ku sheegay inuu diyaar u yahay Wadahadal ay yeeshaan Daalibaan iyo Dowlada Afgaanistaan.

Fariinta ayuu ku sheegay in Diin ahaan wax dhibaato ah ay ka jirin in Wadahadal lagalo.

Wadahadaladaas ayuu ku sheegay mid wado u ah soo afjarida Dagaalada Afgaanistaan iyo joogista Ciidamada shisheeye ee hlakaasi ku sugan.

Howlgalka Nato ayaa lasoo afjarey dhamaadkii sandii aynu kasoo gudubnay Bishoo Desembar hase ahaatee Ciidamada ayaa weli jooga Gobalada Afgaanistaan.

Warbaahinta Dibada ayaa si aad ah u hadal haysa Codka geesimada iyo go’aanka Mas’uuliyadeed ee uu qaatay Hugaamiyaha Kooxda Daalibaan oo dagaal kala soo horjeeda Dowlada Wadanka Afgaanistaan iyo Ciidamada ka garab dagaalamay.

Dowlada Bakistaan ayaa horey u waday wada hadalo u dhaxeeyey Dowlada iyo kooxda Daalibaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE