Madaxda BBC-da iyo VOD-da oo Muhiimado gooni ah siinaya Siyaasiyiinta ay ku haybyihiin halka Saaxada laga saarayo Moomulo gaar ah (Warbixin).

Sanadii 2013ka waxaan ku sugnaa Magaalada Hargeysa Meel fadhi ku dirir ah ayaan kula kulmay Mid ka mid ah Raga waayaha badan kusoo qaatay Laanta Af Soomaaliga ee BBCda, Waxan weydiiyey Su’aalo kala duwan oo ku saabsanaa waxa ialifay in Idaacad noocaas oo kala ah weliba uu ku haystay taageero baaxad leh inuu ku fakaro ka tagisteeda.

Inta badan Su’aalaha aan weydiiyey wuxuu I siinayey Jawaabo waqti qaadaneysa in laga sheekeeyo, waxa daba yiilay jawaabaha tusaalooyin cad oo ku muujinayey qaabka loogu qanci karo in sababah keenay in shaqadisii uu isaga tago.

Waxa iiga sheekeeyey oo si quman uga dhega raariciyey Dagaalaadai qabqablayaashii Muqdho, iyo sida loogu hiilay qabqablayaal ay ka mid ahaayeen Maxamed Faarax Caydiid, waan ka digay in Idaacada ay noqoto garab Seddaxaad oo dagaalka qayb ka ah laakiin taladaas wax aka weynaa sida uu ii sheegay muhiimada laga lahaa Wareysiga.

Markaad maqasho Magaca BBC waxa durbab kuu soo baxaya warbaahin qabsatay dhegaha iyo dareenka Bulshada Soomaalida, weliba dhegeysigeeda lagu tartamo hadana waqtiga ugu badan la siiyo.

Inta badan Noloshayda ayaan kusoo qaatay Deegaano Miyi ah, dhoobeydana safari kala duwan ayaan ku tagay sida loo xiiseynayo Warbaahintan, “waa cajiib” mar aan la joogay Odey xoogaa da’diisa sii dhaaftay 70 Sano oo aad moodo inuu ubaahi qabo Nabad ka islaaxda Soomaaliya ayaa markii ay kasii baxaysay Idaacada waxay kusoo gabagabaysay warkeeda Sidaa iyo Nabad gelyo Odeygaas si hal haleel ah ayuu ugu soo booday “ma waxay tiri Nabad ayaa dhacday” waxa loogu jawaabay “mayee iyadaa sii baxaysay oo nabad gelyo ayaan idin kugu dhaafayaa ayey tiri” waxa meeshaas kaaga muuqda si indha la’aanta ah ee loo aaminay BBCda, waagaas waxaan ku qiyaasi karaa horaantii sanadii 2004ta.

Sanadihii Midowga Maxaakiimta ay ka dagaalamayeen Koonfurta Soomaaliya ilaa Bartamaha waxa taageero warbaahineed la garab taagnaa Warbaahino ay ka mid ahaayeen Idaacada Burburtay ee Hornafrik iyo BBC,hase ahaatee waxa jiray idaacado Maxali ah oo dalka ka jiray oo si aad ah u daneynayey in qarannimo wadanka loogu baahanyahay iyaga doorkooda ay ka qaataan helida qarannimadaasi.

Aqriste makulatahay in Warbaahintii dhexdhexaadka ahayd ee gudaha iyo dibada ay noqotay mid laga been sheego, Markaad u eegto qaabka ay u dhaqmayaan Warbaahinadana iyo sida ay ka sheegayaan fagaarayaasha dhexdhexaadnimada waxa kuu soo baxaya hadalkii siyaad Barre uu dadka ku qaldi jirey oo ahaa in la aasay Qabyaalada.

Waxaa door iyadana Muuqda arintan ka qaadaneysa VOA-da oo inta badan ay kahowlgalaan Wariyayaal lagu soo barbaariyey Hornafrik weliba ka wada mideysan dhowrista Midnimada Hawiye.

Madaxda Idaacadahan aya ku heshiiyey qodobo ay ku soo muujinayaan soo saarista Siyaasiyiinta ay ku reeryihiin iyo ka shaqaynta danaha Hawiye.

Waxa jira hardan hardan ay ugu jiraan waraahinadan Caalamagi ah siday kusoo saari lahaayeen Siyaasada duulaanka ah ee sidaindh la’aanta ah ay u qaadayaan qabqablayaasha ku beesha ah.

Waxa sidoo kale jira Siyaasad loogu hortagayo Maamulka Puntland iyo Maamulka gooni isutaaga sheegatay ee Soomaaliland, si loo yareeyo hamiga Maamuladaas iyada oo laga duulayo wax ogolaansho la’aanta Hawiye Maadaama dhibaatada ka jirta Koonfurta ay horseedayaan kooxo gaar ah oo Hawiye kasoo jeeda weliba isa siiyey awoodii Wadanka.

Wariyayaal badan ayaa isaga tagay Idaacadahan ku mataanoobay ka hortaga Siyaasada ay lasoo shirtagayaan Siyaasiyiinta kale ee aan beeshooda ahayn.

Inta uu socday Shirkii Maamul usameynta Gobolada dhexe ayaa si aan kala harlahayn ay ugu sameeyeen Barnaamijyo kala duwan si ay dhankooda uga qayb qaataan dhisida iyo buunbuuninta Maamulka awooda ugu badan lagu bixiyey ugu dambeynna loo wakiishay inuu hugaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Inta badan shakhsiyaadka ka tagay Idaacadahaas ayaa ahaa kuwii ku guuleystay Imtixaan ay u galeen howsha Wariyenimo markii laga waayey inay raad fiican u yeelan Siyaasada Hawiye ayaa loo arkay inay yihiin dad aan ka sheeqeyn Karin BBC iyo VOA.

Duulaanadii lagu soo qaadayey Shabeelada hoose waxay Idaacadahan ka qaateen door ka weynaa kii ay qaadanayeen Gaadiidka dagaal iyo Maleeshiyada dhulka boobayey, inta badan waxa awood iyo ahmiyad gooni ah la siinayey qabqablayaasha dhulka boobayey, halka laga gaabsanayey in codkooda ay dhiibtaan dadka deegaanka oo loo arkay kuwo aan ka hadli Karin waxa mesha ka jira.

Warbaahinada gudaha iyo tan dibada ayaa kawada sinnaa sida loo wajahayey dagaalka iyo buun buunintiisa.

Su’aalo ayaa jiray oo layska weydiinayey waxa kalifay in Wariyeyaasha laga qaato kaliya kuwii ka shaqeenayey Hornafrik iyo sababta ka dambeysa in Shabelle iyo Hornafrik ay noqdaan kuwa kaliya qaata qandaraasyada si deynta ah ee inta ay hawada ku jiraan BBC iyo VOA, jawaabaha soo baxay ayaa ahaa kuwo laga wada dheregsanyahay.

Wariyeyaasha ayaa ah kuwo halbeel kasoo jeeda weliba og qaabka loo qaadqaadi karo Siyaasiyiintooda, inta badan wariyeyaash ka tagay labadan Warbaahin ayaa kasoo jeeda Soomaaliland ama Puntlan.

Warbixntan tan xigta ayaan uga hadlo doonaan Labadan Warbaahin doorka ay ku leeyhiin dhibaatada Shabeelad hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran