Talo ku Socota Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Marka.

Assalamu  Calaykum Mudane gudoomiye,

Waxaan marka hore kuugu hambalyeynayaa mudane gudoomiye jagada cusub ee laguu magacaabay, waxaana ku xusuusinayaa in aysan ahayn jago sharafeed, ee ay tahay xil culus oo ubaahan karti, daacadnimo iyo waxqabad.
Mudane gudoomiye, jagada laguu dhiibay waa jagada ugu sareysa maamulka degmada Marka,waana jago qofka qabtaa ay saaran yihiin waajibaad, ayna ka mid tahay in uu dejiyo siyaasadaha iyo baraamijyada uu ku shaqeynayo maamulka degmada si uu u gaarsiiyo bulshada degmada adeegyada ay u baahan yihiin,uuna ku kormeero kooxda la shaqeyneysa fulinta baraamijyadaas, waana mas’uuliyad u baahan cilmi iyo daacadnimo, inkastoo sanadihii ugu dambeeyay jagooyinka maamul ay soomalida agtooda ka noqdeen kuwo magac iyo lacag lagu raadsado kaliya.
Gudoomiye Xasan Cumar, aqoon durugsan uma lihi shakhsiyadaada, mana hayo macluumaad ku saabsan taariikh nololeedkaaga laakiin gorfeyn aan ku sameeyay wareysigii aad siisay Idaacada VOA waxaa iiga soo baxay in aad leedahay qaar ka mid ah waxa loo yaqaano xirfadaha fudud ee hogaaminta( soft skills of leadership) oo ay ka mid ah sida cad ee aad codkaaga u gaarsiin karto bulshada aad la hadleyso iyo inaad awood u leedahay inaad ka dhaadhiciso bulshada fariinta aad rabto inaad gaarsiiso laakiin maamulka intaa waa ka balaaran yahay, gaar ahaan markaad fiiriso goobta aad ka howlgaleyso ee gobolka Sh.Hoose.
Waxaad ka howl galeysaa caasimadda gobolka Sh.Hoose oo ay ragaadiyeen colaado, waana gobol ay dadkiisa sanooyin badan tabanayeen inaan maamulkiisa laga qeyb gelin, kheyraadkiisana aysan ka manaafacaadsan,waana ogahay in mas’uuliyad adiga iyo anigaba naga culus in ay tahay, una baahan sanado badan in wax laga bedelo.
Mudane gudoomiye, waxaan si kooban kuugu soo jeedinayaa talooyinkan soo socda:
1. In naqdinta laguu soo jeediyo, ama wax ka sheegida hadaladaada ama ficiladaada aadan u qaadan in adiga weerar lagugu yahay, ama aan laguu quurin jagada aad qabatay,ee aad u qaadataa in xilka aad heyso uu naga dhexeeyo,talada wanaagsana aad qaadato, wixii xuna aad daadka raaciso, aqoonteyda yar ee dhinaca maamulkana waxay i bareysaa in naqdinta ay kobcineyso maskaxda hogaamiyaha, meel uusan wax ka arkeyna ay wax ka tuseyso, gudashada howshiisana ay u fududeyneyso( waa marka ay tahay mid wax dhiseysa).Waa inaad maanka ku heysaana in hadii aad reerkaaga dhex joogi lahayd, jago bulshada ka dhexeysana aadan qaban in aysan dad badan ku soo raadsadeen.
2. Waxaan kugula talinayaa in aad mar walba maskaxda ku heyso in jagada aad heyso meerto tahay, si walba oo ay u dheeraatana aadan ku waareyn, sidaas darteedna danta bulshada aad ka hormariso dantaada shakhsiga ah iyo tan kooxda gacanta kugu siisay in aad jagadan qabato oo uu ugu horeeyo Ibraahim Cali Xaaji, waa in inta aad heyso jagadan aad kaga tagtaa magac ay berito bulshada kugu ammaanto, jiilalka soo socdana aad uga tagto dhaxal loo aayo, waana in aadan adigoo jagadaada ilaashanaya aadan noqon shaqsi ku shaqeeya masxda shakhsiga aan kor ku soo xusay. Waana ogahay in ay yar tahay waxa aad qaban karto marka la fiiriyo xaalada uu dalka ku sugan yahay laakiin talaabo yar oo wanaagsan oo aad qaadaa waxay noqon doonaa mid laguugu xusuusto.
3. Mudane gudoomiye, waxaan aniga rumeysanahay, waana qaldanaan karaa-in horjoogayaasha kooxda dhibaatada ka wada gobolka Sh.Hoose ay door weyn ka ciyaareen in aad jagadaas qabato, daliilo badan iyo marqaatina aan u hayaa, horjoogayaashaasna waa kuwo damac waali ku dhisan ka leh gobolka Sh.Hoose, oo aan marna ogoleyn in dadka gobolka ay aayahooda ka tashadaan, sidaas darteed waxaan kugula talinayaa in doorka ay ku leeyihiin ragaas qabashada jagadan aysan noqon mid kugu xambaarta in aad noqoto madiidin u taagan ka shaqeynta danaha ragaas iyo kuwa geed-fadhiga u ah, waa inaad noqotaa hogaamiye kala yaqaana xaduuda u dhexeysa ciyaarta siyaasadeed iyo qadiyada dadka uu madaxda u yahay.
 4. Mudane gudoomiye, waa inaad kun jeer ka fiirsataa go’aanada aad qaadaneyso ama soo jeedinta kaaga imaaneysa madaxda gobolka iyo kuwa maamulka K.galbeed marka ay arinta ku saabsan tahay arimaha ciidamada heer gobol ama kuwa degmada Marka, waayo ciidamada ha ahaadeen booliis ama milateri waa halka mar walba laga soo galo dhibaateynta bulshada Degmada Marka ku dhaqan si gaar ah, iyo reer Sh.Hoose si guud, waa inaad dadaal dheer ku bixisaa sidii dhalinyarada gobolka ay u noqon lahaayeen ciidamada booliiska, nabadsugida ee sugi lahaa ammaanka deegaanadooda, ayna tahay in in badan oo ka mid ah fursad loo siiyaa in ay noqdaan booliis iyo mileteri, cid walbana aad la kaashataa sidii aad u fulin lahayd arintaas.
Ugu dambeyn, mudane gudoomiye, waxaan mar kale kuugu hambalyeynayaa xilka culus ee aad qaaday, waxaana ku kalsoonahay inaad ka soo dhalaali doonto, hadii ilaahay idmo.
Maxamuud Ciise
Jbiimaal@gmail.com
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE