Yaa lagu wadaa Madaxweyne ku Xigeenka Koonfur Galbeed in loo Magacaabo.

Madaxwyne ku xigeenka Maamulka Koonfur galbeed oo in muda ah la sugayo ayaa waxa soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan cida noqon doonta ama la siin doono Jagadaas iyo sid lga yeelayo Awood qaybsiga Maamulka Koonfur galbeed..

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ah jagada Labaad ee ugu Miisaanka badan Shakhsiga nasiibka u helaana uu noqon doono Mas’uul Miisaan ku dhax yeesha hogaanka Maamulka.

Markii la dooranayey Madaxweynaha ayaa sida la saadaalinayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koonfur galbeed waxa u taagnaa Mudane Maxamed Xasan Fiqi oo hada ah Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Koonfur Galbeed.

Hase ahaatee Magacaabistii Wasiirada ee Shariif Xasan ayaa dad badan waxay ka dhawaajiyeen in hagar daamada shariif ay ka weyntahay wax weydiin iyo qancin umada uu ku qancinayo siyaasadiisa.

Warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxaya Madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa sheegaya in dhawaan isku shaandheynta Golaha Wasiirada uu meel u ridi doono Shakhsiga noqon lahaa Madaxweyne ku xigeenka.

Xogta ayaa tilmaameysa in Wasiirka hada haya jagada Diinta iyo Awqaafta Maamulka K/galbeed uu qaban doono laba jago midkood, tan koowaad ayaa la saadaaliyey inay noqon doonto Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dhawaan la dhisi doono iyo tan kale oo la saadaaliyey Ku xigeenka Koowaad ee Gud. Baarlamaanka.

Hadii saadaash ay dhabowdo ayaa waxay ka dhigantahay in Beesha Biimaal ay weyn doonoto jagada Madaxweyne ku xigeen oo horey ay ugu taagneyd.

Shaxdan ayaa waxa ka wada hadlay Madaxweyne Shariif iyo Hogaamiyaha Odayaasha ismagacaabay ee fadhigiisu yahay Muqdisho.

Shariif ayaa horey waxa uu usameeyey balanqaadyo isagoona si gooni gooni ah balamo ula kala galay Madoobe Nuunow oo kasoo jeeda Beelaha laysku yiraahdo AwDigil iyo Beesha Biimaal uu ku qanciyey in uu siin doono Madaxweyne ku xigeenka.

Siyaasiyiin ayaa horey uga digay dhagaraha Shariif Sakiin markii uu lasoo shir tagayey Magacaabidda Wasiirada ku sifoobey tira badnaan iyo taya la’aan.

Arintan ayaa hadii ay rumowdo dhabar jab weyn waxay ku tahay Deegaanada Shabeelada hoose dadka kasoo jeeda gaar ahaan Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE