Dagaal Culus oo Saakay Aroortii ka dhacay Deegaanka Gol-weyn ee Gobolka shabeelada hoose.

Wararka aan ka heleyno  Deegaanka Golweyn ee Gobolka shabeelada hoose ayaa sheegaya in Saakay aroortii uu halkaasi ka dhacay Dagaal culus oo mudo saacada ah socday.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyey Ciidamada Dagaalyahaanada Shabaab iyo Maleeshiyaad lagu aruurinayey Golweyn oo shalay ilaa xalay laga kala keenay Deegaanada Buulo Mareer ilaa Baraawe u dhaxeeya.

Maleeshiyada oo isugu jirey kuwo lasoo kireeyey iyo Kooxo Xasan Jaamici uu ku heystay Buulo isla markaana lagu sheegay Milateri ayaa Ujeedkoodu ahaa inay usoo gurmadaan Maleeshiyaad si baqdin ku jirto ku jooga oo ku sugan Shalambood oo uu culeys saaranyahay.

Weerar gaadma ah ayaa saake aroor hore waxa ku qaaday Dagaalamayaasha Shabaab oo laba jiho ka weeraray.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta marka news u xaqiijiyay  inay ay maqlayeen Rasaasta Culculus ee ka dhacda qoryaha Waaween ee garbaha laga tuuro.

Dagaalka ayaa socday waqti saacad ah kaas oo sida la sheegay geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Maleeshiayada weerarka lagau qaaday.

Firxadka Maleeshiyada ayaa gaaray deegaano Koonfurta ka xiga Buulo Mareer, Dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in maleeshiyada xasan jaamici halkaasi uga carareen Gaari Cabdibila ah iyo Gaari kale oo ah nooca loo yaqaan Rooneed.

Mudo Laba Saac iyo Wax ka badan ayaa Gol-weyn waxa Maamulayey Dagaalyahaanada Shabaab oo ugu dambeyn deegaanka uga baxay dhinaca Bari.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE