Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose oo Maanta laga soomanyahay.

Waxaa inta badan Maanata Dunida Muslimka Looga dabaa degayaa Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga oo Guud ahaanba Muslimiinta ay u tahay Maalmaha Farxada Ciida.

Xalaya Fiidkii ayaa Warar kala duwan oo kasoo kala baxay Xarakada Shabaab iyo Dowlada Fedraalka waxaa mid mid kale uu ku dhawaaqay in Maalinta Jimcaha ay tahay Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidfiga.

Kooxha Maamula Dhuusa Mareeb iyo Guri Ceel ayaa dhankooda goobaha ay Maamulnaa ku sheegay inay Maanta u tahay Maalin 29 aad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa jirta Dad Maanta ay u tahay Maalinta 30aad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ku dhaqan qaybo ka mid ah Shabeelad hoose.

Dadkan ayaa ku doodaya in ilaa hada aysan haaynin cid ay ku kalsoonaandkaraan oo sheegaya inay arkeen ama uu arkay Bilashada Bisha Shawaal ee Ciida.

Magaalada Marka ayaa qayb ka ah oo Maanta Salaadii Ciida ay xirnaayeen Masaajido dadku ay filayeen in looga dhawaaqi doono Takbiirta Ciida hase ahaatee taasi ay dhicin

Khilaafaadka ku saabsan Maalmaha koowaad ee Ciida iyo Ramadaanka ayaa inta badan ay ku jahwareeraan Bulshada Muslimka ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE