Dhegeyso Ugaas Axmidey Siid Cali “Ma jiri doonto in Magaca Dadka Deegaanka Mar kale lagu qaraabto dadka ayaa ka Tashanaya aayahooda”.

Ugaaska Beesha Biimaal Ugaas Axmidey Ugaas Siid Cali oo Wareysi Siiyey Markacadey.com ayaa ka hadlay Safaro ay ku tageen Degmada Nambar 50 isla markaan kulamo kala duwan halkaasi ay kula soo qaateen qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugaaska ayaa tilmaamay in Safarkii ay ku tageen Nambar 50 ujeedadiisa ay ahayd sidii dadka ay uga tashan lahaayeen aayahooda ayna ka gudbaan in laga Maamulo Hotello ku yaala Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in kulamadaas oo dhan ay noqdeen kuwo meel mara oo kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoona la rajeynayo inay sii amba qaadmaan.

Ugu dambeyn dadka uu Matalo ayaa wuxuu ugu hambalyeeyey Maalinta Farxada Badan ee Ciidul Fidriga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran