MADAXWEYNAHA MAA LOO SHEEGO?

Maanta iyo maalmo hore oo ay ciid aheyd sidaan oo kale, Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya wuxuu ka jejebiyay dadkii jeclaa in ay kusoo tukadaan Saalaadda Ciidda Masjidka weyn ee sida heerka sare loo qurxiyay ee Isbaheysiga Islaamka loo yaqaan.

Waxaa arroornimadii hore ee saakay waddooyinka soo gala Masjidka Isbaheysiga Islaamka lasoo dhoobay Ciidamo tiro badan oo kala duwan haba ugu badnaadaanee kuwa koofiyad casta oo saakay Koofiyado Bir ah loo soo geliyay iyadoo ay howlahaas kusii weheliyeen ciidamada Amisom. Ciidamadaas waxay diideen wax kasta oo dhaq dhaqaaq gaadiid ahaa iyagoo dhowrkii talaababa qufka la baarayo oo ay saf saf isu daba taaganyihiin ugu dambeyntiina ay ku baarayaan kuwa Amisom.

• Dhibaatada shacabka soo gaareyso maalmaha loo dabaal dego munaasabadaha kala duwan ee Qaranka Madaxweynaha maa loo sheego?

• In Madaxda kaligood aysan laheyn ciidaha oo ay muwaadiniinta oo dhan u simanyihiin una baahanyihiin in loo qaban qaabiyo lana ilaaliyo amnigooda Madaxweynaha maa loo sheego.

• In Masjidka ku yaal Madaxtooyada ay ku ansaxeyso Salaadda ciida oo ay isaga iyo madaxda qarankuba kuwada tukan karaan oo aysan ciidan badan u baahneyn Madaxweynaha maa loo sheego?

• In Magaalada Golweyn ciidan yaraan loo qabsaday xalay saraakiil iyo ciidana lagu dilay kuwana nolol lagu kaxeystay Gaadiidkii Dagaalka ee ay heysteen qaarkoodna laga soo sheegayo meel Awdheegle ku dhow Madaxweynaha maa loo sheego?

• In Magaalada Buulo Mareer ciidanku ku yaryahay ayna waddada ka xirantahay dhanka Xamar Madaxweynaha maa loo sheego?

• Ciidamada Qaranka ee ilaalada madaxda kaliya waajibka looga dhigay in jiidaha dagaalka ee cadowga fadhiyo looga baahanyahay Madaxweynaha maa loo sheego?

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE