Axmed Madoobe oo wada qorshe lagu kordhinaayo baarlamaanka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo oo Xarunta u ah Maamulka Boobland ayaa waxaa ku qulqulaya Ergooyin laga kala keenay Seddaxda Gobol ee Maamulkaasi hoos yimaada.

Ergooyinkan qaarkood waxay ahaayeen kuwii hore u soo dhisay Baarlamaankii sharci darada ahaa ee lagu boobayey dhulka Jubbooyinka iyo Gedo.

Ergada qaarkood oo gaaray oo Kismaayo ayaa loo sheegay in laga doonayo in mar kale ay soo dhisaan Baarlamaan islamrkaana kii hore ee ahaa boobka laga noqday.

Waxaa la diyaariyey Hotello iyo goobo kale oo ay degaan Ergada sida uu Markacadey uu u xaqiijiyey Mid ka mid ah ergada.

Ergada ayaa hada inta ay tagin xarumaha loogu talagalay waxay isku maandhaafsanyihiin qaabka ay howsha u galayaan maadaamaa kalkii hore ee ay soo dhisayeen Baarlamaankii Boobka ahaa ay talada lahaayeen kooxo gaar ah.

Axmed Madoobe ayaa mar kale sameenaya isku dayo uu ku doonayo in uu dadka ku qaldo maadaamaa ay horey u fashilmeen isku dayadii uu ku doonayey inuu ku boobo dhulka jubbuuyinka iyo gedo.

Baarlamaanka Fedraalka ee Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay Baarlamaankii hore ee loo soo dhisay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran