Dhegeyso Gudoomiye Waafow Umada Muslimiinta Hambalyo Gaar ahaan Ciidanka Difaaca hore ku jira Ciid Wanaagsan”.

Gudoomiye C/hi Cali Axmed Waafow ayaa hambalyo farxada Ciida u diray Guud ahaanba Umada Muslimiinta Meel kasta oo ay joogaan isagoona sheegay inuu la qaybsanaayo Maalmaha farxada Badan.

Gudoomiyaha ayaa hambalyo kal iyo laab ah u direy Ciidamada deegaanka ee ku jira Difaac hore “Waxaan idin la qaybsanayaa Farxada Ciida kuwa dhintay oo ku shahiiday Difaaca deegaanka allah u naxriisto”. ayuu yiri Waafow.

Wuxuu ugu baaqay Guud ahaan reer shabeelada hoose inay ka qayb qaataan sugid amniga Gobolka cid kastana ay gurigeeda kasoo bilawdo xaqiijinta amaanka.

Mudane Waafow ayaa Dhambaal isugu jira Faraxada Ciida iyo baraarujin u direy Jaaliayadaha Deegaanka uu ugu baaqay inay hormariyaan Deegaanada ay kasoo jeedaan.

ugu dambeyntii Shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeelad hoose ayuu ugu baaqay inay midoobaan oo ay u tashtaan aayahooda ayna u midoobaan sidii ay u yeelan lahaayeen hogaan iyo maamul mideysan.

“Reer Shabeelada hoose waxan leeyahay Soomaaliya Gobol gobol ayey isku raacday, gobol gobol ayey u tashatay, isma hurtiinee isku imaadaa weligiin dagaal sokeeye idin ma dhex marin maxaa idin diidya inaad aayahiina ka tashataan” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey C/hi Waafow.

Dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE